Kenya oo eedeysaneyaal loo haysto dil ku wareejisay Itoobiya

Image
La tuhunsaneyaashan wajahaya baaritaano heerkoodu sareeyo ayaa u dhashay Shiinaha.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa Jimcihii afar qof oo Shiinees ah loona haysto dil ka dhacay magaala madaxda Addis Ababa ku wareejisay kooxda qaranka ee Interpol ee booliska federaalka Itoobiya.

Shaqsiyaadkan ayaa, sida ku xusan warbixinta warbaahinta maxaliga ah ee labada waddan, waxay kala yihiin; Huang Zhipeng, Liv Jie, Wang Ming iyo Chao Fu Xiuzaong,

Wargeyska Addis Standard ayaa wariyay in dilkan uu ka dhacay mehrad Shiinees ah oo ku taalla dabaqa shanaad ee dhismaha Tolosa Legesee ee magaalada Addis Ababa ka hor inta aysan u cararin Kenya.

Agaasimaha Interpol ee Itoobiya, Tsegaye Haile, ayaa xusay in tuhmanayaasha la xiray ka dib markii ay Addis iyo Nairobi xog isweydaarsadeen, 24 saac ka dib markii booliska Itoobiya digniin ‘ogaysiis cas’ ah dul dhigeen afarta qof.

Waxaa hadda socda baaritaanno la xiriira dilka loo haysto. Illaa haatan ma jirto cid fahfaahin ka bixisay cidda ka dilay, qaabka loo begesadey iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa falkaas.

Tani waxay daba socotaa kulan bishii Febraayo 2022 ku dhexmaray Isbatooraha Guud ee Bilayska Hillary Mutyambai iyo dhiggiisa Itoobiya, Komishineer General Demelash Gebremichael, oo ka dhacay Xarunta EFP ee Addis Ababa.

Labada taliye ee booliska ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii labada hay’adood ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka dambiyadda waaweyn ee heer gobol iyo heer qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM