Kenya oo ku dhawaaqday go’aan kale oo ka dhan ah Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay ku dhawaaqday in ay ogolaan doonin in ay wadankeeda soo galaan shixnado, sida boorsooyin, aysan cidna la socon oo ku yimaada duulimaadka dhanka Soomaaliya, sida uu baahiyey Citizen Tv.
Xukuumada Nairobi ayaa war-saxaafadeed Talaadadii soo baxay ku sheegtay in wax kasta oo dhabahaasi ku yimaada lala wareegi doono, isla markaana lagu burburinayo sida uu qabaan shuruucda duulimaadka hawada.
"Dowladda Kenya waxay muujisay walaac ay ka qabto shixnadaha aysan cidna la socon ee ku imaanaya duulimaadyada Soomaaliya. Tani waxay ka hor imaanaysaa sharciyada gaadiidka caalamiga ah ee hawada, waxayna keenaysaa khatar ammaan," ayaa lagu yiri warka.
Bayaanka ayaa nan lagu caddeynin hadii Kenya ay warbixintaasi la wadaagtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Laanta Socdaalka Hawada.
Balse waxay intaasi raacisay: "Dowlada Kenya ma ogolaan doonto shixnadaha aysan cidna la socon ee ka imaanaya Soomaaliya ee soo galaya dalkeenna. Shixnahadaasi waa lala wareegi doonaa, waxaana loo burburin doonaa dalabka, bad-qabka duulimaadka hawada iyo shuruucda amniga, diyaaradaha ayaana qaadi doono mas'uuliyadda.
Go’aankaan cusub oo saameyn gaar ah ku yeelanaya ganacsatada ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo xiisada diblumaasiyadeed ee labada dal deriska ay cirka isku sii shareereyso, isla markaana aysan muuqan saan-saan xal loogu raadinayo.
Is-qabqabsiga dalalkaan ayaa salka ku haya dacwad xuduud badeed ah oo hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka taasoo ay Kenya dooneyso in laga laabto, isla markaana si hoose loo xaliyo.
Talaabada ay Kenya iclaamisay ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili ay horey ugu diiday mas'uuliyiin Soomaaliyeed in ay dal ku galka ku qaataan garoonka Nairobi, isla markaana ay dib ugu soo celisay Muqdisho.
Maalintii xigtay waxay baaritaano ka dhan ah xawaaladaha Soomaalida ay ka sameysay magaalada Islii, taasoo hakad gelisay shaqadooda muddo saacado ah, wallow kolkii dambe dib loogu fasaxay howladooda.
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka fal-celisay talaaooyinkaasi is-xig-xigay oo ay Kenya qaaday ayaa bixisay jawaab "gacan ku gabad ah", iyadda oo kusoo koobtay mowqifkeeda walaac.
Maalmo kadib war-saxaafadeedka waaxda arrimaha dibadda, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka codsatay saaxiibada caalamka in shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo loosoo wareejiyo Muqdisho.
Hasayeeshee, go’aankaasi ayaa shaqeyn waayey, waxaana habeenkii Isniinta Nairobi shir uga qeybgalay mas'uuliyiin uu ku jiro danjire Tarsan kaasoo ku dooday "in wasaaradu aanu metalin arrimaha dibadda".
Sikastaba ha ahaatee, Kenya ayaa u muuqata in ay talaabooyinkeeda ay yihiin kuwa aad isu soo taraya, balse xukuumada Muqdisho ay ka cagajiideyso in ay fal-celin adag bixiso.
GAROWE ONLINE