Kenya oo muddeysay xilliga Soomaaliya fasaxeyso qaadka

Image
Xukuumadda Nairobi ayaa soo bandhigtey goorta ay labada dal kala saxiixanayaan heshiiskan.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay furto suuqa Miraa ee Soomaaliya iyadoo heshiis la filayo in la saxiixo horraanta Luulyo, sidda uu ku waramay wargeyska THE STAR.

Wasiirka beeraha Kenya, Peter Munya, ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen "xadka wanaaga" iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

"5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi," ayuu Munya yiri. Ma bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda kala saxiixaneysa heshiiskaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Nairobi. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay qadiyaddan ayaanan marnaba guuleysan.

Soomaaliya ayaa intii uu joogay nidaamkii Farmaajo hakisay qaadkii laga keeni jiray Kenya labo sano ka hor 19-kii Maarso, 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa, si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal kaasoo ka dhashay kiiska dacwadda badda.

Mamnuucidda ayaa keentay in suuqa maalinlaha ah loo waayo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah, sida xogta muujineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM