Kenya oo qaadaysa xayiraad ay kusoo rogtey sohdinta Soomaaliya

Image
Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera, iyo sidoo kale kuwa Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduudka dhinaca Mandheera ee ay Soomaaliya la wadaagto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka sohdinta iyo la-dagaallanka badeecooyinka Kontorobaanka ah (sharci daradda ah).

Xukuumada Nairobi ayaa sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xadka Mandheera ee Soomaaliya uu marayo heer gabagabo ah, kadib wadatashi heer sare ah oo ay yeesheen labada dal.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandera kadib ayaa sheegay in dib u furista goobta laga gudbo ay wax badan ka badali doonto amaanka isla markaana ay joojineyso dhaq dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

“Waxaan faray hay'adaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan ​​hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kastamka, socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha oo ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xarumaha xuduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta," ayuu yiri Kindiki.

Kenya ayaa xirtay dhammaan soohdimaha rasmiga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab ee ka howlgala dhanka Soomaaliya.

Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera, iyo sidoo kale kuwa Lamu, Wajeer iyo Gaarisa. Xiritaankan ayaan dadka ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab u tahriibiyaan.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weeraro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab. Weerarkii ugu khasaaraha badnaa, kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhawaad ​​150 qof ku dilay jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM