Kenya oo raaligelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya

Image
Kenya ayaa mar kale xaqiijisay in ay aqoonsan tahay madax banaanida hal dowlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa u sheegtay Soomaaliya inay aad uga xuntahay “joogitaanka aan ku talagal ahayn ee aan munaasibka ahayn” ee calanka Somaliland ee munaasabad dublamaasiyadeed oo sanadle ah oo lagu qabto Nairobi.

Kenya ayaa mar kale xaqiijisay in ay aqoonsan tahay madax banaanida hal dowlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo hufnaanta qarannimada Soomaaliya ee federaalka ah.

Raali gelinta Kenya ayaa timid kadib markii Safiirka Soomaaliya Maxamed Tarsan uu ka baxay kulankan uu khudbad ka jeediyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uuna si adag uga soo horjeestay joogitaanka wakiilka Somaliland.

Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay ku xad gudubtay madax banaanideeda, waxayna dalbatay in sharaxaad laga bixiyo. Somaliland waxay ku dhaliishay Tarsan inuu ka baxay.

Somaliland ayaa cambaareysay gadoodka dowladda federaalka Soomaaliya ka sameysay martiqaadka Kenya ugu fidisay shaqsi ka socdey maamulka Hargeysa kulan uu Uhuru Kenyatta kula hadlayay diblumaasiyiinta dalalka caalamka.

Xukuumadda Biixi waxay mowqifka Muqdisho ku qeexdey "cadowtinimo," sida laga soo xigtey warbaahinta oo soo xigatay sarkaal ka tirsan Waaxda arrimaha dibadda maamulka Hargeysa.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse wuxuu wali aduunka u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ee xarunteedu tahay Muqdisho

HOOS KA AHRISO QORAALKA KENYA

May be an image of text that says "HARAMBEE P.O.Box NAIROBI,KENYA MINISTRY OF MFA/CONF/PROT/14/(3) Foreign presents compliments the Embassy Federal Republic Somalia thank Federal Republic Somalia for Note Verbal, Ref:EFRS/467/N/22, dated 14th June, 2022 and ministry's Somaliland's standard among nations flags Ministry he Annual Diplomatic event. Foreign Affairs regrets the and inappropriate presence Function ministry reaffirmt recognition sovereignty one Federal Somali Government and integrity Federal Somali inconvenience embarrassment caused deeply regretted. The Ministry Foreign Affairs Republic Kenya avails itself this renew the Embassy the Federal Republic of Somalia Nairobi the assurances highest consideration. 14th June 2022 FOREIGN The Ambassador Embassy of the Federal Republic NAIROBI Somalia NAIROBI"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM