Kenya oo shaacisay cidda kaga hiilineysa xiisadda Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Iyadda oo bisha September ee sanadkan dib loo bilaabayo dhageysiga dacwada kiiska xuduud badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya ayey xukuumada Nairobi la timid dood horleh.

Doodan ayaa waxay isugu jirtaa eedeyn ay u jeedineyso dhinacyo kala duwan si lamid ah hanjabaad kahor inta aan lagu dhawaaqin xukuna kama dambeysta Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibada Kenya ayaa xustay in hay’addo ganacsi oo xiisaneynaya goobta la isku haysto ay la safteen Soomaaliya, iyaga oo eegaya danahooda, "taasi ay sii hurineyso xiisada".

"Tani waxay sababi kartaa in diirada la saari waayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo shurta badeeda," ayay ka tiri munaasabad ay kaga qeybgashay magaalada London, siduu baahiyey Daily Nation.

Mas'uulka ugu sareeya diblumaasiyada Kenya ayaa waxa aysan magacaabin shirkadaha caalamiga ah ee holaca kusii shidaya khilaafka kala dhaxeeya, balse waxay ku sifeysay "xubno ganacsi oo ajnabi ah".

Balse waxay mar sii horeysay saxaafada Kenya ay qortay in dowladood ay cabasho ka gudbineyso Norway iyo Ingiriiska oo ay ku dhaliishay in ay dhinac xig-sadeen isla markaana ay qeyb ka yihiin muranka.

Si lamid ah doodan waxay imaaneysaa iyadda oo shirkadaha shidaalka ee Shell iyo Exxon Mobil ay dhowaan la galeen xukuumada heshiisyo ku aadan in ay dib u bilaabaan howlgalkooda Soomaaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa 2014-kii Kenya ka dacwaysey ICJ inkasta oo tan iyo xiligaasi ay Nairobi dalbaneysay in lasoo celiyo isla markaana wada hadal lagu dhaweeyo balse waa ay ku hungowday.

Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa codsi u qortay Qaramada Midoobay oo ku saabsan xiisada, kaasi oo ay ku dalbaneyso farogelin si loo qaboojiyo xiisada.

Dhamaan dhinacyadda ay dhaliilaha u jeedisay Kenya wali kama aysan jawaabin eedeyntaasi.

Mareykanka ayaa si lamid ah shaaciyey in uu ku lug-leeyahay xalinta is-qabqabsiga, isaga oo tibaaxay in uu ka shaqeynayo sidii is-fahan loo gaari lahaa, wallow xukuumada Muqdisho ay taasi horey u diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM