Kenya oo shaacisay magaca ninkii isku qarxiyay Dusit hotel ee Nairobi

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dembi oogaha dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa soo saarey war qoraal ah, oo kusoo bandhigay liiska magacyada shan qof oo ku lug yeeshay weerarkii Dusit D2 hotel, ee Nairobi, kuwaasoo Jimcihii, lasoo taagay Maxkamad.

Booliska Kenya ayaa xiray shan qof oo uu ku jiro muwaadin u dhashay Canada, iyagoo markii ugu horeysay kasoo muuqdey Maxkamadda Milimani, oo xukuntay in xabsi lagu hayo 30 maalin, illaa kasoo dhamaanayo baaritaanka iyo su'aallo waydiinta.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay gacan siiyeen kuwii weerarka ku qaadey Hotel-ka, waxaana magacyadooda lagu kala dheegay:

  • Joel Ng’ang’a Wainaina, waa tagsiile [Taxi driver], wuxuu meel kala duwan gaarigiisa ku geeyay mid kamid ah dableyda.
  • 2.Oliver Kanyago Muthee, waa tagsiile kale, oo isna la tuhmayo
  • 3.Gladys Kaari Justus, wuxuu ka shaqeeya Xawaalad, waxa uu lacag u diray qof la shaqeynayay raggii weerarka fuliyay.
  • 4.Abdihakim Mohamed Guled, waa muwaadin u dhashay Canada, waxaa lagu qabtey Nairobi 17-ka bishan.
  • 5.Osman Ibrahim, waxaa loo haystaa inuu la kulmay mid kamid ah kooxdii weerarka geysatay 8-dii bishan.

Dhanka kale, Dembi oogaha ayaa shaaciyay magaca ninkii isku dhex qarxiyay Dusit D2 hotel, oo uu ku sheegay Maahir Khaalid, oo kasoo jeeda gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Maahir ayaa mudo katirsanaa garabka Al-Shabaab uga dagaalama Kenya, oo lagu magacaabo Jaysh Ayman, oo inta badan ka howlgala Keymaha Boni iyo degaanada xuduuda ku yaalla, waxaana hogaamiya nin u dhashay Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Dusit D2 hotel, kaasoo lagu dilay 21 qof, oo labo kamid ah Soomaali ahaayeen, halka in ka badan 100 lagu dhaawacay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM