Kenya oo si tijaabo ah u bilowday dhoofinta saliida ceyriinka

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa maanta oo Isniin ah waxay si tijaabo ah u bilowday dhoofinta saliidda ceyriinka ah oo waddankaasi laga soo saarey.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu xariga ka jaray mashruucan oo shirkad laga leeyahay waddanka Ingiriiska ay hirgelisay.

Haddii ay Kenya suuq hesho waxay ganacsi ahaan u billaabi doontaa dhoofinta shidaalka marka la gaaro sannadka 2023-ka.

Shidaalkan oo laga dhoofiyey dekadda magaaladda xeebta ah ee Mombasa ayaa gaarayey laba boqol oo kun oo foosto ah.

Shirkad reer China ah, Chemchina, ayaa 1.6 bilyan oo dollar ku iibsatay kheyraadka dabiiciga ah, taasi oo u iib-geyn doonta waddanka Maleysiya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo goobjoog ka ahaa munaasabadda ayaa wuxuu ku tilmaamay guul weyn oo uu gaarey qarankiisa.

Saliida ceyriinka ah oo laga helay degaanka Turkana ee waqoyga dalkan dhaca Geeska Afrika ayaa soo saartay shirkadda Tullow.

Balse goobta laga soo saarey shidaalka ayaa nan lahayn dhuumaha saliida qaada, waxaase looga soo daabulaa gaadiid. Tullow waxay xustay in ay hirgelin doonta dhuumahaasi.

Waa markii ugu horeysay oo dal ka tirsan bariga qaaradda Afrika oo shidaal u iib-geeyo caalamka, iyadda oo Kenya ay markii ugu horeysay isku day 1937-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM