Kenya oo si tijaabo ah u bilowday dhoofinta saliida ceyriinka

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa maanta oo Isniin ah waxay si tijaabo ah u bilowday dhoofinta saliidda ceyriinka ah oo waddankaasi laga soo saarey.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu xariga ka jaray mashruucan oo shirkad laga leeyahay waddanka Ingiriiska ay hirgelisay.

Haddii ay Kenya suuq hesho waxay ganacsi ahaan u billaabi doontaa dhoofinta shidaalka marka la gaaro sannadka 2023-ka.

Shidaalkan oo laga dhoofiyey dekadda magaaladda xeebta ah ee Mombasa ayaa gaarayey laba boqol oo kun oo foosto ah.

Shirkad reer China ah, Chemchina, ayaa 1.6 bilyan oo dollar ku iibsatay kheyraadka dabiiciga ah, taasi oo u iib-geyn doonta waddanka Maleysiya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo goobjoog ka ahaa munaasabadda ayaa wuxuu ku tilmaamay guul weyn oo uu gaarey qarankiisa.

Saliida ceyriinka ah oo laga helay degaanka Turkana ee waqoyga dalkan dhaca Geeska Afrika ayaa soo saartay shirkadda Tullow.

Balse goobta laga soo saarey shidaalka ayaa nan lahayn dhuumaha saliida qaada, waxaase looga soo daabulaa gaadiid. Tullow waxay xustay in ay hirgelin doonta dhuumahaasi.

Waa markii ugu horeysay oo dal ka tirsan bariga qaaradda Afrika oo shidaal u iib-geeyo caalamka, iyadda oo Kenya ay markii ugu horeysay isku day 1937-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM