Kenya oo xukuntay raggii lagu helay dambiga weerarkii Garissa

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala magaaladda Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay xukuno kala duwan ku riday saddex ruux oo lagu helay dambi ah in ay ka dambeeyeen weerarkii Jamaacadda Garissa.

Dhacdadaasi oo ay kooxda Al-Shabaab ka dambeysay isla markaana lasoo wariyey sanadkii 2015-kii ayaa waxaa ku naf-weysay 148 ruux, oo badankooda ahaa arday xiligaasi ku sugneyd xaruntaasi waxbarasho.

Garsooraha Maxkamada Nairobi, caasimadda dalka dhaca Geeska Afrika, Francis Andayi, ayaa garka u geliyey Maxamed Cali Cabdikar iyo Xasan Aadan Xasan 41-sano oo ay ku qaadan doonan xabsi.

Rashid Charles Mberesero, kaasi oo u dhashay waddanka Tanzania, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa'in, maadaama sidda ay maxkamaddu sheegtay in uu door weyn ka cayaaray weerarka, uuna isku dabariday.

Mberesero ayaa sidoo kale waxaa ku cadaatey dambi ah in uu caawiyey dableyda duulaanka dhimashada badan keenay

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramaya in go’aanaddan ay yihiin natiijo kasoo baxdey baaritaano iyo dabagal in muddo ah socotay.

Weerarkii Jamaacadda lagu beegsaday ayaa waxaa fuliyey afar dabley, kuwaasi oo la sheegay in ay toogteen ciidamada ammaanka.

Ninka hogaaminayey howlgalkaasi, Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Kuno isla markaana ahaa Bare sare oo ka tirsan Dugsi Qur'an oo ku yaala Garissa ayay Kenya shaacisay in ay ku dishay Soomaaliya sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM