Kenya: Saraakiil loo xiray ajaaniib iyo darawalkooda oo la la'yahay

Image
Shaqsiyaadka la waayay oo u dhashay Hindiya ayaa qeyb ka ahaa ololihii doorashadda William Ruto.

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa Sabtidii sheegay inay xireen afar sarkaal saaxiibo ah oo lagu eedeeyay afduub iyo dilal sharci darro ah, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Afarta askari ee ka tirsanaa qeybta adeegga gaarka ah ee la kala diray, kana mid ahaa Agaasinka Dembi-baarista, ayaa waxaa looga shakiyay inay si toos ah ugu lug lahaayeen waayitaanka labo nin oo u dhashay India, Mohamed Zaid iyo Ahmad Khan iyo darawalkoodii reer Kenya, Nicodemus Mwania kuwaasoo cid ugu war dambeysay 24-kii Luulyo.

Labadan qof ee u dhashay dalka Hindiya ayaa ku sugnaa dalka Kenya iyaga oo qayb ka ahaa ol’olihii doorashada ee madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto kaasoo madaxwayne ku noqdey doorashadii 9-ka Agoosto.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah, qareenka tuhmanayaasha Danstan Omari ayaa yiri "bilaysku waxay rabeen inay tuhmanayaasha ku soo oogaan af-duub, ku-xad-gudub xafiis iyo inay maleegayeen ayna dambi galeen".

Peter Muthee, oo ahaa madaxii qeybta booliiska ee hadda shaqada laga joojiyay, ayaa ka mid ah dadka la xiray ka dib markii dhammaan saraakiisha ay u yeereen koox ka tirsan booliiska qaranka Kenya Jimcihii.

Askartan ayaa lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Nairobi, waxaana Isniinta todobaadkan la soo taago maxkamad. Kiiskan wuxuu  kamid yahay kuwa ugu culus ee xeerbeegtada Kenya soo maray.

Qeybta Adeegga Gaarka ah waxaa lagu eedeeyaa baad, afduub, jirdil, dil sharci darro ah, iyo dad badan oo la waayay. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa muddo badan ku talinayey in la kala diro gabi ahaanba qeybtan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM