Khasaaro ka dhashay qaxooti ay ku jiraan Soomaali oo la qarxiyey

Image
Taliska Booliska ayaa falkan u xiray Umoton John Peter oo 42 jir ah oo u dhashay dalka Rwanda.

BOMAKO, Malawi - Shan qof oo qaxooti ah oo ku sugnaa xeradda barakacyaasha Dzaleka ee bartamaha waddanka Malawi ayaa ku dhaawacmay kadib markii bam gacmeed ay ku qaraxday suuqa weyn ee xerada fiidnimadii Arbacada.

Taliska Booliska oo bayaan kooban soo saarey ayaa xiray Umoton John Peter oo 42 jir ah oo u dhashay dalka Rwanda, kaasoo looga shakisan yahay inuu si ula kac ah u qarxiyey bambada.

Peter ayaa la filayaa in uu ka soo muuqdo maxkamada si uu uga jawaabo eedeymaha ah in uu waxyeeleeyay dad shacab ah kadib markii ay booliisku soo gabagabeeyeen baaritaankooda.

Booliska ayaa tibaaxay in saddex qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha qaxootiga Burundi ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kuwaasoo la dhigay isbitaalka degmada Dowa ee u dhow xerada.

Mas’uuliyiinta dowladda Malawi iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa cambaareeyay weerarka, waxaana ay soo kabasho degdeg ah u rajeeyeen shacabka.

Dhacdadan oo ah tii ugu horeysay ee laga soo wariyo xeradaasi ayaa argagax iyo cabsi ku beertay qaxootiga halkaasi ku nool oo uu ku jiro Assana Abdullah oo kasoo jeeda dalka Burundi.

Xerada qaxootiga ee Dzaleka ayaa loogu tala galay in ay martigeliso ilaa 12,000 oo qaxooti ah balse waxay hadda hoy u tahay in ka badan 50,000 oo Qaxooti ah taasoo ka dhigan mid xad dhaaf ah.

Qaxootigan ayaa la sheegay in badankooda ay kasoo jeedaan wadamadda kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, inta soo hartayna ay ka yimaadeen dalalka kale ee kala ah Burundi, Ethiopia, Rwanda iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya oo Cirka Isku Shareertay iyo Khilaafka Tigray oo Sii Xumaanaya

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay Talaadadii kadib markii garabka…

  • Afrika

    13-03-2025

  • 06:32AM

Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army.

  • Afrika

    12-03-2025

  • 12:17PM