Khasaaro ka dhashay weerar lagu qaadey ciidan roondo waday

Image
Waqooyiga fog ee Cameroon waa dhul baxaad badan oo u dhexeeya galbeedka Nigeria iyo bariga Chad.

Hal askari ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay dabley ka fulisay waqooyiga fog ee Cameroon, sida ay sheegeen militariga iyo illo maxalli ah Jimcihii.

Weerarka ayaa Khamiistii ka dhacay magaalada Ldaoussaf, sida ay labada ilo wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP, iyagoo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo.

“Koox ciidan oo roondo waday ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, isagoo intaas ku daray in askari laga dilay mid kalena uu dhaawacmay.

"Kooxihii dilka geystay waxay la baxsadeen hub," ayuu raaciyey. Wakiil ka tirsan maamulka deegaanka oo isna codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa xaqiijiyay khasaaraha.

Waqooyiga fog waa dhul baxaad badan oo u dhexeeya galbeedka Nigeria iyo bariga Chad. Kooxda Boko Xaram ee dalka Nigeria iyo faraceeda ISWAP ayaa sanadihii lasoo dhaafay weeraro xoogan oo ka dhan ah ciidamada amaanka iyo dad shacab ah ka fuliyay waqooyiga dalka Cameroon iyo sidoo kale qeybo kamid ah dalalka Nigeria, Niger iyo Chad.

Boko Haram ayaa kacdoon ka bilowday waqooyi bari Nigeria sanadkii 2009 ka hor inta aysan ku fidin gobolka. Maleyshiyaddan waxay gacansaar la leedahay shabakadda Al-Qaacida.

In ka badan 36,000 oo qof ayay ku dileen weeraro kala duwan tan iyo markaas, gaar ahaan Nigeria, iyo 3 milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii, sidda laga soo xigtey warbixinta tirokoobka eeQaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM