Koonfur Afrika oo raxan shabeelo ah u dhoofisay Hindiya

Image

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Raxan shabeelo ah oo gaaraya 12 ayaa laga dajiyay dalka Hindiya kadib markii diyaarad looga qaaday Koonfur Afrika, iyaga oo ku biiraya 10 kale oo laga qaaday Namibia.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray Hindiya iyo labadan dal ee Afrikaanka ah kaasoo dhigaya in sanad kasta 12 shabeel lagu wareejiyo Hindiya muddo 8 sano ah.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe balaaran oo dowladda Hindiya ku doonayso in ay ku kordhiso tirada sii yaraanaysa ee shabeelada ku nool kaymaha dalkaasi.

Shabeeladan ayaa, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah, waxaa loosii duulin doonaa kaynka lagu magacaabo Kuno oo ku taala gobolka Madhya Pradesh.

Dhulka sida xooggan usii magaaloobaya ee Afrika ayaa la sheegay in ay halis weyn galisay noloshii dabiiciga ahayd ee duurjoogta uu shabeelka ka mid yahay.

Shabeelka ayaa ka dabar go’ay Hindiya laga soo bilaabo sanadkii 1952-dii sababo la xiriira ugaadhsiga noolahan oo loo dilo sababo la xiriira haragiisa oo qaali ah iyo waliba dhulka sii magaaloobaya ee Hindiya, taas oo sare u qaadday isku dhacyada dadka iyo xayawaanka.

Tirada Shabeelka ee dunida ku nool ayaa la sheegay in ay hoos ugu dhacday illaa 7 kun oo kaliya, iyada oo welwel badan laga qabo in mar aanan fogeyn lagaba waayo adduunka haddii aanan wax laga qabanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM