Laacib caan ah oo hal sano oo xabsi ah loogu xukumay iibinta Shiishad

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Jimcadii ku heshay ciyaaryahan caan ka ah wadankaasi saddex gal-dacwadeed oo culus.

Eedaymaha loo haysto xidigaan ka tirsanaa kooxaha Harambee Stars iyo Mathare United ayaa ah; iibinta Shiishad, maan-dooriye iyo dhiirogelinta cabistooda.

Xeer-beegtada ayaa ku xukuuntay Jamaal hal sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ama bixinta ganaac lacageed oo dhan 595 oo dollar.

Laacibkaan hadda ka tirsan naadiga Al-Nasr ee dalka Cumaan ayaa racfaan 14 maalmood ah ka qaatay xukunkaasi.

Ugu yaraan waxaa la rajeynayaa in laga dhimo mudada sanad ee lagu xukumay, taasoo hoos u dhigaysa ganaaxa lacageed ee la dul-dhigay.

Dadwaynaha ayaa aad u hadalhaya arrintaan, iyaga oo is waydiinaya waxa ku qasbaya ciyaaryahankaan in uu dambiyadaan sameeyo.

Kenya ayaa safka hore kaga jirta wadamada ay dowladahooda u caal-waayeen xakameynta maandooriyaha, kuwaasi oo amni darada qayb ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM