Laba qodob oo sabab u ah kororka awooda argagixisada Afrika

Image
Al-Shabaab, Daacish iyo Boko Haram waa kooxaha ugn arxanka daran ee qaaradda la dagaalamayso.

MUQDISHO, Soomaaliya – Khatarta argagixisada ayaa noqonaysa mid sii xoogaysata gudaha Afrika, iyadoo ay soo kordhayaan kooxo cusub oo abuuraya fowdo, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Morocco ee Nasser Bourita.

Bourita ayaa hadalkan ka sheegay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika oo Sabtidii ka furmay Malabo, si looga wada hadlo khatarta argagixisada iyo afgambiyada milatari ee Qaaradda.

Argagixisadu waxay u xuubsiibaysaa gooni-u-goosadka iyo dembiilaha ka dib markii ay xoojiyeen xiriirka ka dhexeeya ayuu hoosta ka xariiqay isaga oo qiray dhibaatada ku hayaan galbeedka iyo bariga Afrika.

"85-ka dowladood ee xubnaha ka ah Isbaheysiga Caalamiga ah ee ka dhanka ah ISIS, oo ku kulmay Marrakech 11-kii May, ayaa ka dhawaajiyay khatarta isa soo tareysa ee xiriirkan," ayuu xusay wasiirka.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo khatarta isbedbedelka ah, halka Afrika ay tahay oo ay gilgileen qalalaase isdaba joog ah iyo ammaan darro.

"Argagixisadu waxa ay abuuraysaa xasillooni darro, amni darro, feejignaan iyo kala qaybsanaan. Tilmaamayaasha amniga Qaaradda ayaa isu beddelaya casaan," ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya ee Morocco, isaga oo arrintan ka soo xigtay Qorshe Hawleedka Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirku waxa uu ku baaqay in la qaado tallaabo istaraatiijiyadeed Afrikaan ah oo ka dhan ah argagixisada oo ku salaysan hab caalami ah oo isku dhafan si wax looga qabto amniga, dhaqaalaha, dhaqanka bulshada iyo diinta.

Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedyada ayuu ku nuux-nuux saday kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka hortagga argagixisada, Vladimir Voronkov, waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Morocco iyo Kenya ay ka ciyaaraan sidii qaaradda ay u heli lahayd agabka loo baahan yahay si looga hortago khataraha argagixisada.

"La-dagaalanka argagixisanimada ayaa noqday mudnaanta Afrika," ayuu yiri madaxa xafiiska la-dagaallanka argagixisada ee Qaramada Midoobay (UNOCT).

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu caddeeyay in isbeddellada aan dastuuriga ahayn ee qaarada Afrika ay wiiqayaan dadaallada la dagaallanka argagixisada, ayna khatar weyn ku yihiin xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM