Labada aqal ee baarlamaanka Kenya oo uu muran ka dhex qarxay

Image

NAIROBI, Kenya – Labada aqal ee baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa ka dhex qarxay muran sababi kara in ay xiriirka isu jaraan, sidda ay ku warameysa warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi.

Gudoomiyaha Aqlabiyada Aqalka Sare, Kipchumba Murkomen, ayaa ku eedeeyay Aqalka Hoose in uu isku kali yeelay meel-marinta Hindisa sharciyeedyada, taasi oo uu tibaaxay in ay baalmarsan tahay dastuurka.

Murkomen ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in labada Gole ay ka doodaan kahor inta aan la ansixin xeerarka saameynaya guud ahaan dowlad goboleedyada hoos yimaada xukuumada dhexe.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu ku tumanayo sharciga, isla markaana uu la saftay Aqalka Hoose, isaga oo si qarsoodi ah u saxiixa hindisa sharciyeedyada loosoo gudbiyo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay Xeerka Caafimaadka oo dhowaan wax ka bedel lagu sameeyay, isla markaana uu Kenyatta saxiixay isaga oo aan la horkeenin Aqalka Sare.

"Waxaan ku marti qaadnay in uu noo yimaado si uu noogu saxiixo sharciga aqoonsiga xafiisyada maamulada. Balse waxa uu ka doorbiday Xeerka Caafimaadka oo uu Aqalka Hoose diyaariyey," ayuu raaciyay.

Aadan Barre Ducaale, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, kana tirsan xisbiga Uhuru Kenyatta, ayaa ah gudoomiyaha Aqlabiyada Aqalka Hoose ee wadanka Kenya.

Mudanaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka dalbaday shacabka in ay gebi ahaanba qaadacaan Sharciga Caafimaadka oo ku sifeeyay mid baalmarsan qodobka 110aad ee dastuurka dalkaasi.

Qodobkaasi oo xeerinayaa wadashaqeynta labada Gole ayaa xoojinaya in xeerarka muhiimka ay tahay in labada Aqal uu si gaar ah uga munaaqashooda kahor inta uusan madaxweynuhu qalinka ku jiidin.

Sikastaba ha ahaatee, murankaan soo kala dhex-galay labada Gole ee baarlamaanka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysato, taasi oo saameyn ku yeelan karta hay’addaha kale ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM