Lacagta ku baxaysa xafladda dhaarinta Ruto oo la shaaciyey

Image
Hanti dhowrka guud ee Kenya ayaa soo bandhigay wadarta cadadka loo qoondeeyay munaasabaddan.

NAIROBI, Kenya - Hanti dhowrka guud ee Kenya ayaa sheegay in $1.6 milyan loo qoondeeyay xaflada dhaarinta madaxweynaha la doortay William Ruto todobaadka soo socda gaar ahaan 13-ka September.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maxkamada sare ay taageertay guushii Ruto uu ka gaaray doorashadii Isniintii ka gadaal markii hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu qaadacay.

Maxkamada sare ayaa meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay ra’iisul wasaarihii hore Odinga kaas oo ka soo horjeestay ku dhawaaqista in Dr Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorashadii guud ee dhacday 9-kii Ogosto.

Dastuurka Kenya ayaa waxa uu dhigayaa in Madaxweynaha la doortay la dhaarin doono 7 maalmood kadib markii Maxkamadda Sare ay taageerto guusha doorashada kadib.

Marka la dhaariyo Madaxweynaha la doortay, ku xigeenkiisa ayaa sidoo kale waxaa la dhaarin doonaa xafiiska kadibna waxaa la filayaa in uu xilka kala wareego Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa, sidda uu xeerinayo dastuurka waddanka Kenya, waxaa lagu waddaa in dhaarta kadib uu agabka awooda sida Dastuurka iyo seefta awooda ku wareejiyo madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa intaa kadib u amba bixi doona Aqalka Madaxtooyada si uu si rasmi ah ugu wareejiyo xilka Madaxweynaha. Ruto ayaa kadib waxaa u bilaaban doonta muddo xileedkiisa koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM