Maalqabeen loo xiray afduubka iyo khaarijinta wariye caan ah

Image
Cameroon ayaa ku jirta kaalinta 118-aad marka loo eego 180-ka waddan ee tusmada xorriyadda saxaafadda dunida.

NAIROBI, Kenya - Maalqabeen ka tirsan warbaahinta dalka Cameroon ayaa loo xiray dilka weriyaha caanka ah ee raadiyaha, Martinez Zogo, sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga ah oo soo xigatay illo ku dhow saraakiisha ammaanka dalka.

Ganacsadaha lagu magacaabo Jean-Pierre Amougou Belinga, oo ah milkiilaha warbaahinta L'Anecdote, ayaa la xiray ka hor waaberiga Isniintii shalay si su'aallo loo waydiiyo.

Zogo ayaa laga afduubay saddex toddobaad ka hor bannaanka saldhigga booliiska ee Yaoundé. Shan maalmood ka dib ayaa meydkiisa la helay isagoo aad u go'ay.

Mas'uuliyiinta ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in ay dhowr qof u soo qabteen dilka ayna ka go'an tahay in ay cadaaladda horgeeyaan shaqsiyaadka ku lugta ku leh dhimashadan.

Seddex sano ka hor saxafi kale oo u dhashay Cameroon, Samuel Wazizi, ayaa la waayay ka dibna wuxuu ku dhintay xabsiga dowladda lamana shaacin baaritaanka dilkiisa.

Cameroon ayaa ku jirta kaalinta 118-aad marka loo eego 180-ka waddan ee tusmada xorriyadda saxaafadda oo ay soo ururiyeen suxufiyiinta aan xuduuda lahayn.

"In kasta oo Cameroon ay leedahay mid ka mid ah muuqaalada warbaahinta ugu qanisan Afrika, waa mid ka mid ah wadamada ugu khatarta badan qaaradda ee saxafiyiinta, kuwaas oo ku shaqeeya jawi cadaawad iyo khatar ah," ayay tiri kormeeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM