Madaxwaynaha DDSI oo beeniyay warar laga baahiyay [DAAWO]

Image

JIGJIGA, Itoobiya - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar "Cagjar", ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu khilaaf kala dhaxeeyo Gudoomiyaha xisbiga talada haya, Axmed Shide.

Mustafa oo magaalada Jigjiga kaga qaybgalay kulan uu ku sugnaa hogaanka sare ee xisbiga ayaa ku adkeystay in haatan aanu jirin khilaaf, balse, wuxuu qiray inay kala aragti-duwaanshiyo soo kala dhex-gashay.

Isagoo sii hadlayay, Mustafa ayaa hoosta ka xariiqay in kala feker duwaanshaha ay diyaar u yihiin inay ku xaliyaan qaab wadahadal iyo isfaham ah, islamarkaana loo turayo danaha shacabka.

Dhanka kale, Madaxwayne ku xigeenka DDSI, Aadan Faarax, oo kulanka qayb ka aha ayaa, difaacay midowga xisbigooda iyo midka majaraha uhayo guud ahaan Itoobiya, kaasi oo lagu magacaabo EPRDF.

"Su’aasha muhiimka ah ee loo baahan yahay inaynu ogaano waa taasi…Sababtu waa inuu Xisbigu ku feker yahay midka degaanka oo ah Dimuqraadiyad iyo horumarinta shacabka,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha xisbiga degaanka, ESPDP, Axmed Shide, ahna sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Federaalka, oo ka hadlay colaada Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa ugu baaqay nabad iyo wada-noolaansho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM