Madaxweynaha Liberia oo xafiiskiisa laga helay Masas waawayn

Image

MONROVIA, Liberia – Madaxwayne George Weah ayaa nan tan iyo Arbacadii soo xaadirin xafiiskiisa kadib markii laga helay laba mas oo madow.

Xoghayaha dhanka warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Weah uu xafiiska kusoo laaban doono maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo aadan.

Howlwadeenada sidoo kale ayaa la faray in dib ugu soo laabtaan shaqadda 22-ka bishaan April 2019, oo ku beegan isla maalinta Isniinta.

Weah ayaa haatan ku shaqeynaya hoygiisa gaarka ah, iyada oo xafiiskiisa loo wareejiyay dhanka Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay sawirro iyo muuqaalo muujinaya shaqaalaha oo isku deyaya in ay dilaan masaska.

"Lama dili doono masaska," waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay Smith Toby, xoghayaha warbaahinta ee madaxtooyadda.

Smith oo sharaxaya sababta keentay in masaska laga helo Aqalka Liberia looga arimiyo ayaa yiri: "Dhismaha waa gaarumay, marka wax kasta waa macquul.

Sheekadaan oo soo ifbaxday maanta oo Jimco ah ayaa durba noqotay tan loogu hadalhaynta badan Liberia iyo guud ahaan qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM