Madaxweynaha Liberia oo xafiiskiisa laga helay Masas waawayn

Image

MONROVIA, Liberia – Madaxwayne George Weah ayaa nan tan iyo Arbacadii soo xaadirin xafiiskiisa kadib markii laga helay laba mas oo madow.

Xoghayaha dhanka warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Weah uu xafiiska kusoo laaban doono maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo aadan.

Howlwadeenada sidoo kale ayaa la faray in dib ugu soo laabtaan shaqadda 22-ka bishaan April 2019, oo ku beegan isla maalinta Isniinta.

Weah ayaa haatan ku shaqeynaya hoygiisa gaarka ah, iyada oo xafiiskiisa loo wareejiyay dhanka Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay sawirro iyo muuqaalo muujinaya shaqaalaha oo isku deyaya in ay dilaan masaska.

"Lama dili doono masaska," waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay Smith Toby, xoghayaha warbaahinta ee madaxtooyadda.

Smith oo sharaxaya sababta keentay in masaska laga helo Aqalka Liberia looga arimiyo ayaa yiri: "Dhismaha waa gaarumay, marka wax kasta waa macquul.

Sheekadaan oo soo ifbaxday maanta oo Jimco ah ayaa durba noqotay tan loogu hadalhaynta badan Liberia iyo guud ahaan qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM