Madaxwayne hore oo lagu xukumay cimrigaaga haku furto

Image
Image
Axmed Cabdallah Sambi oo 64 jir ah ayaa waxaa xukuntay maxkamad aan go'aanadeeda rafcaan laga qaadan karin.

NAIROBI, Kenya  - Maxkamad ku taal Comoros ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Axmed Cabdallah Sambi oo ahaa madaxweynihii hore ee dalkan ku yaalla bariga Afrika, kaddib markii lagu helay “khiyaano qaran”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay Tanzania Daily News, Sambi, oo ay siyaasadda isku hayaan madaxweynaha talada haya Azali Assoumani, ayaa waxaa xukuntay maxkamadda ammaanka ee dawladda, oo ah hay'ad gaar ah oo garsoor oo aan xukunkooda racfaan laga qaadan karin, ka dib markii lagu helay inuu baasaboorro ka iibiyay dad aan waddanka lahayn oo ku nool Khaliijka.

"Wuxuu khiyaanay hawshii ay u igmadeen shacabka Comoros," ayuu yiri dacwad oogaha guud Cali Maxamed Djounaid maxkamadda kaasoo dacwadda gudbiyey. "Xukunkiisu waa cadaalad," ayuu raaciyey.

Sambi, oo 64 jir ah, oo hoggaaminayay waddanka yar ee jasiiradaha badweynta Hindiya intii u dhaxaysay 2006 iyo 2011, ayaa soo saaray sharci 2008-dii u ogolaanaya in baasaboorka lagu iibiyo lacago badan.

Kiiskan wuxuu kamid yahay kuwa sidda weyn isha loogu hayo qaaradda Afrika oo kamid ah meelaha sida ba'an uu u sameeyay musuqmaasuqa iyo xatooyada.

Sambi ayaa markii hore lagu riday xabsi guri kadib markii uu khalkhal geliyay xasiloonida dadweynaha, sidda ay sheegtay maxkamadda ku riday xukunka.

Saddex bilood ka dib waxa loo taxaabay xabsi ka hor inta aan lagu soo oogin dacwadda uu haatan wajahayo. Kadibna waxaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah.

Jasiiradaha Comoros -- Anjouan, Grande Comore iyo Moheli -- waxay soo mareen sanado badan oo faqri ah iyo qalalaase siyaasadeed, oo ay ku jiraan ilaa 20 afgambi ama isku day afgambi, tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska sanadkii 1975-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM