Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay sida ONLF hogaanka ku qaban karto

Image

JIGJIGA, Itoobiya - Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay inaanu jirin shuruud la hordhigay Jabhada ONLF si ay uga qayb-qaadato dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee gobolka.

ONLF ayaa todobaadkaan ku dhawaaqday xisbi siyaasadeed, kaasi oo ay kaga qaybgeli doonto doorashooyinka degaanka ee 2020-ka, iyada oo la midowday xisbi kale, oo ay sameysteen Isbaheysi.

"Iyaga oo si siyaasi u haysto fekerkooda ah in meeshaan [degaanka] uu noqdo meel gaar ah ayay dhaqdhaqaaq siyaasadeed sameyn karaan, ma jirto shuruudo daruuri ah,” ayuu Cagjar u sheegay Telafishinka HCTV.

Cagjar ayaa hoosta ka xariiqay in ONLF ay fursad uhaysato inay majaraha uqabato hogaanka degaanka, balse, ay uga ubaahan yihiin inay helaan kalsoonida shacabka marka loo dareero codbixinta labo sano kadib.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay inay rajeynayaa in mustaqbalka dhow uu degaanku ka curto nidaamka axsaabta badan, taasi oo meesha ka saareysa inuu Xisbi isaga soo laab-laabto jagada Madaxwaynaha.

"Sida ii muuqata, wadada kaliya ee ufuran waa inay loolan siyaasadeed ay galaan…Waxaana rajeynayaa in degaanka uu ka bilowdo [baratan] udhaxeeyo xisbiyada – kuwa hadda jira iyo kuwa cusub oo sameysmi doona," ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii, Mustafa Cagjar ayaa balanqaaday in maamulkiisa uu xoojinayo cadaaladda, nabad-gelyadda tacadiyada ka dhanka ah dadka laga tiradda badan yahay iyo siyaasad loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM