Madaxweynaha ugu xukunka dheer dunida oo mar lixaad la doortey

Image
Muddo xileedkan waxaa la aaminsan yahay in uu isku-dayi doono hagaajinta sumcadiisa caalamka.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa caalamka ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Equatorial Guinea si uu u sii hogaamiyo maamulkiisa lagu tilmaamay kalitaliska ah, sidda laga soo xigtey warbaahinta gudaha.

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, oo 80 jir ah, ayaa helay ku dhawaad ​​95% codadka, sidda ay ku dhawaaqeen saraakiisha doorashadda lix maalmood kadib codbixinta.

"Natiijadu waxay mar labaad noo cadaynaysaa sax," Madaxweyne ku xigeenka Teodoro Nguema Obiang Mangue, oo ah wiilka madaxweynaha, ayaa yidhi. "Waxaan sii wadeynaa inaan noqono xisbi weyn."

Qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa banaanka usoo baxay in ay soo afjaraan waayaha Mbasogo, balse midna lama fileyn inuu ku guuleysto.

Madaxweyne Obiang waxa uu gacan adag ku hayaa dalka qaniga ku ah saliidda ee dhaca bartamaha Afrika, iyada oo xubnaha qoysku ay ku jiraan door muhiim ah oo dawladeed.

Waxa uu xukunka la wareegay sanadkii 1979-kii kadib markii ay ciidamada taladda la wareegeen, waxaana uu dhowr jeer ka badbaaday isku day afgambi.

Markii uu xafiiska ka kala wareegay madaxweynihii ka horreeyay iyo adeerkiis, Francisco Macias Nguema, waxa uu sameeyay dib u habayn laakiin waxa uu sii xajistay awoodda.

Mucaaridnimada siyaasiga ah ayaa ah mid si dhib yar loo dulqaadan karo mana jirto saxaafadda xorta ah, maadaama dhammaan warbaahinta ay tahay mid ay si toos ah dowladdu u leedahay ama ay gacanta ku hayso xulafadeeda.

Waxaa loo malaynayaa in Madaxweyne Obiang, oo hore u diiday eedaymaha ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo ku shubashada doorashada, uu damacsan yahay in markiisii ​​lixaad uu u isticmaalo sidii uu u nadiifin lahaa sumcadiisa caalamiga ah.

Bishii Sebtembar, dowladdu waxay meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa, iyadoo tallaabadaas ay ammaantay Qaramada Midoobay. Equatorial Guinea ayaa taariikh u leh waxa ay dadka dhaliila ugu yeeraan natiijada doorashada ee been abuurka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM