Madaxweynihii Amxaaradda iyo Taliyihii ciidanka Itoobiya oo la dilay

Image

ADDIS ABABA - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay xaaladda Itoobiya, kadib markii shalay uu afgembi fashilmay ka dhacay gobolka Amxaaradda ee dhaca waqooyiga dalkaasi.

Isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in lagu fashiliyay isku day afgembi magaaladda Bahir Dar, isagoo intaasi ku daray in la toogtay taliyihii ciidamada Itoobiya Seare Mekonnen.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynihii gobolka Amxaaradda Ambachew Mekonnen uu u geeriyoodey dhaawac shalay soo gaarey, iyadoo sidoo kale lagu dilay isku dayga afgembi saraakiil sare oo maamulka gobolka katirsanaa.

Ambachew, oo aqoonta ka gaarey heerka PhD ayaa xilka Madaxweynaha gobolka loo magacaabey March 2018, isagoo bedelay Gedu Andargachew oo laga dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Internet-ka ayaa laga jaray guud ahaan dalka Itoobiya, waxaana aad u adag helitaanka macluumaadka ku saabsan xaaladda dhabta ah ee gobolka Amxaaradda, oo wali la sheegayo inay kacsan tahay, islamarkaana la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka socda Federaalka.

Xisbiga haya talada gobolka Amxaaradda ayaa ku eedeeyay afgembiga taliyihii hore ee ciidamada amaanka, oo xabsiga laga soo daayay kadib markii uu xukunka Itoobiya la wareegay Abiy Axmed sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM