Malawi: Ku dhowaad 750 oo u geeriyooday daacuun calooleed

Image
In ka badan 22,759 bukaan ayaa la diiwaan-geliyey tan iyo markii uu cudurka dillaacay bishii March ee sannadkii hore.

LILONGWE, Malawi - Wasiir ka tirsan xukuumadda Malawi ayaa sheegay in ilaa 750 qof ay u dhinteen daacuun calooleedka taasoo ka dhigan tiradii ugu badneyd labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku tilmaamay dalka Koonfur-bari Afrika inuu ka mid yahay meelaha ugu daran ee ay ku dhufteen cudurro caalami ah "marka loo eego xanuunada caadiga ah".

Wasiirka Caafimaadka Malawi Khumbize Kandodo Chiponda ayaa amar ku bixisay in la xiro ganacsiyo badan oo aan haysan biyo ammaan ah, musqulo iyo tas-hiilaad nadaafadeed oo qashinka lagu tuuro wuxuuna ku dhawaaqay xannibaado ku saabsan iibinta cuntada la kariyey.

"Waxaan sii wadeynaa inaan diiwaangelinno tiro sii kordheysa oo kiisas ah oo dalka oo dhan ah, in kasta oo ay jiraan calaamado hoos u dhac ku yimid gudbinta iyo dhimashada meelo yar," ayay Chiponda ku tiri hadal ay soo saartay iyadda oo dadka ku boorisay in loo hoggaansamo tallaabooyinka nadaafadda.

Chiponda ayaa waxay sheegtay in 17 qof ay u dhinteen 589 xaaladood oo cusub oo ah cudurka biyaha ka dhasha "24-kii saac ee la soo dhaafay." Waxay intaas ku dartey in dalku uu diiwaan geliyay 22,759 bukaan tan iyo markii uu cudurka dillaacay bishii March ee sannadkii hore.

Tirooyinka ayaa muujinaya in ku dhawaad ​​15 qof ay maalin walba dhimanayeen dhawaan, iyadoo 155 dhimasho ah la diiwaan geliyay tobankii maalmood ee la soo dhaafay. Intaa waxaa dheer, ku dhawaad ​​1,000 qof ayaa isbitaal la dhigay Arbacadii.

Toddobaadkan, agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa tibaaxay in 31 waddan laga soo sheegay cudurka daacuunka tan iyo bishii December, taasoo ah koror 50% ah sannadihii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM