Mali: Lamaane Talyaani ah iyo cunugooda oo la qafaashay

Image
Inta badan, xaaladaha sii daynta dhibanayaasha afduubka ayaan weligood si cad loo xaqiijin.

BOMAKO, Mali – Kooxo hubeysan ayaa koonfurta bari ee dalka Maali ku afduubtay lamaane u dhashay dalka Talyaaniga iyo canugooda iyo sidoo kale muwaadin reer Togo ah, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal maxali ah iyo ilo dhanka amaanka ah oo ciidamadda Mali ka tirsan Jimcihii.

Shaqsiyaadkan waxay sheegeen in afduubku uu ka dhacay goor dambe oo Khamiista meel qiyaastii 100 kiilo mitir u jirta xudduudda Burkina Faso, oo qayb ka ah gobolka galbeedka Afrika ee ay ka dhaceen qalalaasaha, afduubka iyo sidoo kale iskahorimaadka oo lagu eedeeyay dabley.

"Kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa ka afduubay meel 10 KM u jirta Koutiala saddex qof oo Talyaani ah iyo Togo," ayuu yiri sarkaal ka tirsan gobolka Koutiala oo codsaday inaan magaciisa la xigan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa markii dambe ku xaqiijisay bayaan kooban "afduubka saddex qof oo walaalo ah oo ka dhacay Mali".

Dhowr ajaaniib ah ayaa laga afduubtay xadka Burkina Faso sanadihii u dambeeyay. Afduubyadu aad ayay ugu badan yihiin dalka Maali, in kasta oo ujeeddooyinkoodu ay ku yimaaddaan dembiilayaal iyo arrimo siyaasadeed.

Inta badan, xaaladaha sii daynta dhibanayaasha afduubka ayaan weligood si cad loo xaqiijin.

Maali ayaa tan iyo sanadkii 2012-kii waxaa ka aloosnaa kacdoono jihaad doon ah oo ay wadaan kooxo xiriir la leh al-Qaacida iyo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. Meelo badan oo dalka ka mid ah ayaa waxaa ku kacsan kooxo iyo maliishiyo tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM