Mareykanka oo $10 milyan ku raadinaya horjooge Al-Shabaab ah

Image
Maxamuud Cabdi Aadan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay "dagaalame khatar badan".

NAIROBI, Kenya - Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar u balanqaadey ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii.

Weerarkaas ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah. Hotel DusitD2 ayaa waxa uu ku yaalaa caasimada Kenya ee Nairobi.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya, Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman ayaa abaalmarintan si wadajir ah uga dhawaaqay shir jaraa'id.

Mas'uuliyiintan ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay'adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka 'eedeysane' Maxamuud Cabdi Aden.

"Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2," ayay tiri Whitman.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Aadan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkaas. Eedeysanaha ayaa waxaa la sheegay in uu xubin sarre ka yahay garabka Al-Shabaab ee Kenya. Illaa haatan, lama ogga goobta uu la joogo Soomaaliya iyo Kenya.

Waa markii seddexaad muddo saddex bilood gudahood ah oo uu Mareykanku balanqaado in uu siinayo cid kasta oo gacan ka geysan karta in la soo xiro horjoogeyaal lala xiriirinayo mintidiinta Soomaaliya ee Al Shabaab.

Bishii November ee sannadkii hore, Maraykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10-milyan oo doollar ugu yaboohay midkiiba ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro saddex hoggaamiye oo Al-shabaab ah oo kala ah Axmed Diiriye, Muhad Karate iyo Jehad Mostafa oo la sheegay inay mas’uul ka yihiin weerarro ka dhacay Soomaaliya, Kenya, iyo wadamada dariska ah.

Todobaadki hore, Washinton ayaa soo saartay lacag dhan 10-milyan oo ay ku goobeyso Macalin Ayman oo ah maskaxdii ka dambeysay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada cirka ee Manda Bay ee dalka Kenya bishii Janaayo 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM