Mareykanka oo $55 bilyan siinaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Lacagtan ayaa la filayaa in looga dhawaaqayo Shirka Mareykanka iyo Afrika oo ka dhacaya Washington.

WASHINGTON, USA - Balanqaadka Mareykanka ee taageerida Afrika waxaa qeyb ka ah $55 bilyan oo kaalmo ah, sidda uu shaaca ka dhigay la taliyaha amniga qaranka madaxwayne Joe Biden ee Jake Sullivan.

Hadalkan oo uu ka dhawaajiyay Isniintii shalay ahayd ayaa waxa uu yimid ka hor shir saddex maalmood socon doona oo 50 wafdi Afrikaan ah ay ku leeyihiin magaalada Washington.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha Afrika ee ka qeybgeli doona kulankan isla markaana wadamadooda ay heli doonan lacagtaas.

"Maraykanku waxa uu 55 bilyan oo doollar ugu yaboohi doonaa Afrika inta lagu guda jiro saddexda sano ee soo socota, oo dhinacyo kala duwan leh, si wax looga qabto caqabadaha ugu muhiimsan ee waqtigeenna," ayuu yiri Sullivan.

Waxa uu intaa ku daray: "Balanqaadyadani waxay xoojinayaan hoggaaminta dheer ee Maraykanka iyo iskaashiga dhinacyada horumarka, kobaca dhaqaalaha, caafimaadka iyo ammaanka Afrika."

"Waxaan madasha shirka aan ku tusin doonnaa faahfaahinta ku saabsan waxyaabaha diiradda lagu soo saari doono maalgelinta," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Sullivan oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay VOA-da ayaa carabka ku adkeeyay in lacagtan aysan shuruud ku xirneyn in dowladaha Afrika ay ku cambaareeyaan Ruushka duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Bishii Maarso, wax yar ka dib markii uu billowday duullaanku, 17 waddan oo Afrikaan ah ayaa ka aamusay codbixin lagu dhaleeceeyay Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Aqalka Cad ayaa si taxaddar leh u tixraacaya loolanka kaga imaanaya xukuumadda Beijing ee ku wajahan saameynta qaaradda Afrika. Shiinaha ayaa dalalka mandiqada kusoo jiitay deyn iyo horumarinta kaabayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya oo Cirka Isku Shareertay iyo Khilaafka Tigray oo Sii Xumaanaya

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay Talaadadii kadib markii garabka…

  • Afrika

    13-03-2025

  • 06:32AM

Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army.

  • Afrika

    12-03-2025

  • 12:17PM