Mareykanka oo baqdin ka qaba saameynta China ku leedahay Barriga Afrika

Image

WASHINGTON : Labo Senator oo ka tirsan aqalka odaayaasha dalka Mareykanaka ayaa qaylo dhaan ka keeney saameynta siyaasadeed iyo midda ciidan ay yeelan karto hadii dalka China gacanta ku dhigo maamulka dekada ugu weyn dalka Jabuuti, waxayna sheegeen iney tahay wel wel weyn hadii Bejing ay kor u sii qaado saameynta ay ku leedahay barriga Afrika, sidaas waxaa lagu shaaciyey maqaal lagu qorey wakaalada wararka Reuter.

Waraaq loo qorey xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka Mike Pompeo iyo difaaca Jim Mattis, Senator ka tirsan xisbiga Jamuuhriga Marco Rubio iyo mudane ka tirsan Dimoqaraadiga Chris Coons ayaa waxay wel-wel ka muujiyeen in dalka Djibouti ka baxo heshiiskii dekada Doraleh ay kula jireen shirkada DP World ee dalka Imaraadka Carabta bishii Feberuary iyadoo la qarameeyey dakadaas September.

Wararka ayaa sheegaya in dalka Djibouti oo deyn badan kaga jiro Bejing ay suurtagal tahay in gabi ahaanba maamulka dekada gabi ahaanba gacanta u galiyo shirkada laga leeyahay dalka China taasoo ay Senators ku tilmaameen mid baqdin badan galineysa joogitaankooda dalkaas.

Waraaqdaan iyo dadaalo kale ayaa waxaa wada Senotres kuwaas oo ka shaqeynaya sidii ay uga hortagi lahaayeen saameynta China, taasoo u arkaan iney khatar ku tahay danaha dhaqaalaha iyo amniga dalka Mareykanka.

Trump ayaa diirada saaraya arimaha dhaqaalaha iyo khatarta dalka China ku hayo, laakiin sharci yaqaanada ayaa raba iney hubiyaan in dowlada muhiimad siiso dhinaca baqdinta dhinaca amniga.

Wadanka oo ku yaal goob Istraatiiji ah- afaafka hore ee laga galo badda Cass marka loo socdo marinka Suez. Jabuuti ayaa sanadkii la soo dhaafey noqdey hoyga saldhigii ugu horeeyey dalka China ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa. 

Dalka Mareykanka oo saldhiga uu ku leeyahay Jabuuti uusan wax badan ka fogeyn midka china ayaa kala dagaalama kooxaha A-shabaab iyo Daacish kuwasoo intooda badan saldhigoodu yahay Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM