Maroodi ku dilay askari u dhashay Ingiriiska beer ku taala Malawi

Image

LILONGWE, Malawi – Maroodi ayaa lagu waramayaa in askari u dhashay Ingiriiska uu ku dilay beer duur-joogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla wadanka Malawi ee dhaca Koonfur-Bari qaaradda Afrika.

Mathew Talbot, oo ka tirsanaa guutada Coldstream ee ilaalisa xayawaanka ayaa 5-ta bishaan May ku dhintay isaga oo ku guda jira howlgal ka dhan ah ugaarsiga durjoogta ee ka socda dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhiga Britain oo xaqiijisay geerida Mathew Talbot ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelka iyo axsaabta marxuumka oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa "mid shaqadiisa kasoo baxa".

"Waa arrin murugo leh in aan xaqiijino dhimashada Mathew Talbot. Naxariis ayaan u rajeynaynaa. Ehelkiisana bedel wanaagsan," ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda, sida ku cad bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa nan lagu caddeyn qaabka uu falka u dhacay, marka laga reebo "in dilka uu ahaa si fool xun u dhacay".

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee UK, Qoyska marxuumka ayaa aad uga naxay geerida Inankooda.

U gaarsiga duur-joogto oo aad ugu badan qaar kamida wadamada qaarada Afrika ayaa laga dhigay mid mamnuuc ah, iyada oo howlgalada looga hortagayo arrintaasi ay qayb ka noqdaan saaxiibo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM