Masar: Caro ka dhalatay ardayad u dhimatay ul uu madax looga dhuftey
QAAHIRA, Masar - Geeri ku timid gabadh sagaal jir ciyaal iskuul ah kadib markii uu macallin madaxa ka garaacay sababo ku aadan in ay sameysay qalad xagga higaadda ah ayaa caro ballaaran xooggan ka dhaliyey gudaha Masar.
Basmala Osama Cali Maxamed, oo dhigata dugsiga hoose iyo dhexe ee Taranis al-Arab ee gobolka Dakahlia, ayaa sideed maalmood isbitaalka ku jirtay iyadoo la il daran dhiig maskaxda ka furmay ka hor inta aysan Axadii dhiman.
Warbaahinta Masar ayaa ku warantay in haweeney 50 jir macalimad luuqada Carabiga ah laguna magacaabo Samiir ay saddex jeer madaxa kaga dhufatay Basmala ul alwaax ah kaddib markii ay qalad xagga higaada ah samaysay xilli ay wax ku qori jirtay sabuuradda fasalka.
Macalimada ayaa waxa ay caan ku tahay in ay sidato ul alwaax ah ayna ku ciqaabta ardayda sameysa qalad inta ay socoto xiisada ay ka bixineyso iskuulka ay ka shaqeyso.
Usama Rushdi oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in falka macalinku uu ahaa "mid bini'aadantinimada ka baxsan," wuxuuna usha ku tilmaamay "mid wax dila".
Edbinta rabshadaha leh
Aabaha dhalay Basmala oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in gabadhiisa uu maskaxda dhiig kaga furmay isla markaana ay koomo ku dhacday kadib markii la weeraray.
Maamulaha Iskuulka ayuu hoosta ka xariiqay in uu uu si qaldan isku dayay inuu dabiibo halkii uu ugu yeeri lahaa Ambalaasta taasi oo uga sii dartay xaaladeeda caafimaad.
Dhacdadan ayaa dhalisay dhaleecayn badan oo loo jeedinayo macallimiinta adeegsada rabshadaha iyo ciqaabta jireed. Sidoo kale, waxay abuurtey taageero loo muujinayo qoyska oo loogu baaqayo inay ku dadaalaan cadaaladda.
Ciqaabta jirka waa wax caadi ah dugsiyada waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Gudaha Masar, sahan rasmi ah ayaa lagu ogaaday in sanadkii 2020 ay "ku dhawaad laba ka mid ah saddexdii arday ee Masaarida ah ayaa lagu garaacay dugsiga.
Sida ay sheegeen baareyaasha, ardayda ayaa lagu garaacay ulo, suun, bakoorad ama jeedal", halka nidaamka sharciga ee waddanku uu ka maqan yahay sharci kasta oo si toos ah u mamnuucaya edbinta rabshadaha leh ee caruurta.
GAROWE ONLINE