Masar oo codsatay in xarun Bangi ay ka furato Soomaaliya

Image

KHAAHIRO, Masar – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Egypt ayaa waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Axmed Ciise Cawad iyo Mostafa Madbouli ayaa kawada hadlay dhowr arrimood oo daaranaa dhinacyadda dhaqaalaha iyo cilaaqaadka labada dowladood.

Sidda laga soo xigtay Majaladda Egypt Today, Madbouli ayaa dalbaday in xarun Bangi ay ka furtaan gudaha wadanka Geeska Afrika dhaca.

Faracaasi Bangi ayaa waxaa yeelanaya Bangiga caanka ah ee Banque Misr, kaasi oo ay aas-aastay shirkadda Talaat Harb sanadkii 1920.

Kulanka labada mas'uul waxaa ku wehliyay wasiir ku xigeenka arrimaha Afrika u qaabilsan Masar, Abu BakrHefny, iyo safiirka Soomaaliya, Cabdiqani Maxamed.

Mr Madbouli ayaa intaasi raaciyey in dowladiisa ay sii wadeyso taageerada ay siiso xukuumada Muqdisho, ayna si dhow ula shaqeyn doonto.

Wasiir Cawad oo ka mahad-celiyay yaboohaasi ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda haatan jirta iskaashi ay la yeelato Masar.

Dalabka Masar ka yimid ayaa kusoo aadaya iyadda oo Soomaaliya ay qorsheynayso in ay dib u habeyn ku sameyso Bangiga Dhexe ee wadanka.

Gudoomiye cusub oo dhowaan loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Cabdiraxmaan, kaasi oo xilka la wareegay ayaa balanqaaday hufnaan shaqo.

Soomaaliya waxa haatan ka jira Bangiyo si gaar ah looleeyahay, inkasta oo ay shaqooyin muhiim ah qabtaan, haddana lama mid ahan kuwa caalamka.

Dadka taageersan xukuumadda iminka talada haysa ayaa codsiga Masar ku tilmaamaya horumar dalka u horseedi kara kobac dhaqaale oo baaxad leh.

Hasayeeshee, kuwa kasoo horjeeda ayaa aaminsan in uu loolan ku furayo ganacsatada maxaliga ah, kuwaasi oo haatan aanan haysan suuq ku filan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM