Masar oo codsatay in xarun Bangi ay ka furato Soomaaliya

Image

KHAAHIRO, Masar – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Egypt ayaa waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Axmed Ciise Cawad iyo Mostafa Madbouli ayaa kawada hadlay dhowr arrimood oo daaranaa dhinacyadda dhaqaalaha iyo cilaaqaadka labada dowladood.

Sidda laga soo xigtay Majaladda Egypt Today, Madbouli ayaa dalbaday in xarun Bangi ay ka furtaan gudaha wadanka Geeska Afrika dhaca.

Faracaasi Bangi ayaa waxaa yeelanaya Bangiga caanka ah ee Banque Misr, kaasi oo ay aas-aastay shirkadda Talaat Harb sanadkii 1920.

Kulanka labada mas'uul waxaa ku wehliyay wasiir ku xigeenka arrimaha Afrika u qaabilsan Masar, Abu BakrHefny, iyo safiirka Soomaaliya, Cabdiqani Maxamed.

Mr Madbouli ayaa intaasi raaciyey in dowladiisa ay sii wadeyso taageerada ay siiso xukuumada Muqdisho, ayna si dhow ula shaqeyn doonto.

Wasiir Cawad oo ka mahad-celiyay yaboohaasi ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda haatan jirta iskaashi ay la yeelato Masar.

Dalabka Masar ka yimid ayaa kusoo aadaya iyadda oo Soomaaliya ay qorsheynayso in ay dib u habeyn ku sameyso Bangiga Dhexe ee wadanka.

Gudoomiye cusub oo dhowaan loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Cabdiraxmaan, kaasi oo xilka la wareegay ayaa balanqaaday hufnaan shaqo.

Soomaaliya waxa haatan ka jira Bangiyo si gaar ah looleeyahay, inkasta oo ay shaqooyin muhiim ah qabtaan, haddana lama mid ahan kuwa caalamka.

Dadka taageersan xukuumadda iminka talada haysa ayaa codsiga Masar ku tilmaamaya horumar dalka u horseedi kara kobac dhaqaale oo baaxad leh.

Hasayeeshee, kuwa kasoo horjeeda ayaa aaminsan in uu loolan ku furayo ganacsatada maxaliga ah, kuwaasi oo haatan aanan haysan suuq ku filan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM