Masjidkii ugu weynaa Africa oo dhismihiisa la dhameystiray

Image
Image
Image

Dalka Algeria oo ku yaalla waqooyiga Africa ayaa jebiyay record-ka wadanka uu ku yaalla Masjidka ugu weyn ee qaaradda.

Mashrauuca dhismaha Masjidkan oo 7 sano qaatey ayaa ku baxday $1 billion, waxaana dhistay Shirkadda China State Construction Engineering Corporation (CSCEC) oo qandaraaska ku guuleysatay 2011.

Masjidkan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa dhan tahay 400,000 oo mitir, waxaana uu leeyahay Manaaarad dhererkeedu gaarayo 265 meter (870 feet).

Waxaa halkii mar salaadda ku tukan kara Masjidka Djamaa El Djazair 120,000 [Boqol iyo labaatan kun] oo qof, iyadoo banaankiisa laga sameeyay [Car parking] meel la dhigan karo 7,000 oo gaari.

Dhismooyin dhowr ah ayaa ku dhex-yaalla Masjidka kuwaasoo ay kamid yihiin, Madraso lagu barto Qur’aanka Kariimka, Maktabad, Xarun Cilmi-baaris, Makhaayad iyo meel la seexdo.

Masjidka ayaa galay kaalinta 3aad Masaajida ugu weyn caalamka marka laga eego dhulka uu ku fadhiyo, iyadoo uu sidoo kale qaatey Koobka Masjidka ugu ballaaran Africa.

Labada Masjid ee ku yaalla Sacuudiga, Makka iyo Madiina ayaa ah kuwa ugu barakada badan caalamka, waxaana ay u taagan yihiin meel qiblo [Xaramka] u ah Muslimiinta iyo meel uu ku aasan yahay Nebi Maxamed NNKH.

Dhowr caqabadood ayaa soo wajahay mashruuca, oo ay kamid tahay dib u dhac keentay lacagta oo go’day markii qiimo dhac uu ku yimid sicirka saliida caalamka, oo dalka Algeria dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay.

Reer Galbeedka ayaa durba billaabey dacaayado ah in Masjidka laga dhisay Algeria uu noqon karo meel argagaxisada lagu xagjireeyo, islamarkaana suurta-gal tahay in laga maleego shirqoolo ka dhan ah dowladda dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM