Mas'uul dalbaday in loogu magac-daro cunug u dhalanaya Fanaan

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Gudoomiyaha magaala madaxda wadanka Kenya ayaa baraha bulshadda wuxuu ku dalbaday in loogu magac daro cunug u dhalanaya fanaan.

Mike Sonko, gobanatooraha magaaladda Nairobi, ayaa nan sameynin yabooh hadii loogu magac daro ilmaha uu filanayo heesaaga caanka ah ee Diamond Platnumz.

Platnumz ayaa waxaa u dhexda gabar u dhalatay dalka Kenya, Tanasha Donna, taasi oo ay wada jiraan muddo dhowr sano ah isla markaana haatan Uur u leh.

Sonko ayaa rabitaankan wuxuu ku muujiyey muuqaal aad looga fal-celiyey uuna soo dhigay akoonadiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay baraha bulshadda.

"Hadii uu cunuga ku dhasho Nairobi, [caasimadda Kenya], waa in aniga laygu magac daraa, balse hadii kale, waan soo hambalyeen doonaa," ayuu ku kaftamay.

Codsigan ayaa noqdey mid kamid ah mawduucyadda ay aadka u hadalayso warbaahinta Kenya si gaar ah kuwa arrimaha bulshada kawaranta, oo siyaabo kala duwan u falanqeynaya.

Sikastaba, lamaanaha ayaa nan weli ka jawaabin dalabka ka yimid Mike Sonko, kaasi oo kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM