Mas'uul kufsan rabay gabar 11-sano jir ah oo maxkamad lasoo taagay

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa waxaa kasoo muuqday maamulaha joogtada ah ee is-maamul goboleedka Taita Taveta, kaasi oo loo haysto kiis shacabku hadal-hayo.

Eric Ochieng ayaa lagu soo eedeeyay in uu sameeyay isku day kufsi oo uu kula dhaqaaqi rabay 11-sano jir ahayd, taasoo aanan lasoo bandhigin magaceeda

Eedaysanaha oo muuqaalkiisa aan la baahin ayaa la sheegay in uu ku qanciyay gabdha in ay soo gasho hoygiisa, isaga oo tusay xubintiisa taranka, 9-kii bishii hore ee Maaj.

Mas'uulka oo beeniyay dacwada lagu soo oogay ayaa lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaareysa 49-kun oo dollar-ka Mareykanka ah, sida ay sheegtay xeer-beegtada.

Maxkamada ayaa go’aamisay in dib la isugu soo laabto 17-ka bishaan April, iyada oo dhageysiga gal-dacwadeedka uu dhici doono 5-ta May ee isla sanadkaan.

Kiisaska la xiriira fara-xumeynta ayaa indhowaanahaanba waxa uu aad ugu soo badanayaan dunida, inkasta oo ay socdaal dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM