Maxbuus geeriyooday kadib markii uu rogmaday gaarigii lagu waday

Image

NAIROBI, Kenya – Hal maxbuus ayaa dhintay kadib markii gaari lagu wadey maxaabiis uu shil ku galay Kenya, sidda ay qoreyso saxaafadda maxaliga ah.

Sideed kale oo xukumaneyaal ah iyo todoba askari oo ilaalada maxaabiista ah ayaa ku dhaawacmay dhacadan lasoo wariyey Talaadada maanta ah.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada isku xirta degaanadda Chuka-Embu oo Waqooyi-Bari kaga aadan Nairobi, caasimadda dalka dhaca Geeska Afrika.

Gaariga rogmaday oo maxaabiista kasoo qaadey xabsiga Embu ayaa kusii wadday xabsiga kale ee magaaladda Meru ee bariga Kenya.

Laba maalin kahor ayay ahayd markii gaari ay la socdeen cutubyo kamid ah Ciidanka Difaaca Kenya ay shil ku galeen jidka Meru–Isiolo.

Afar sarkaal ayaa isla goobta ku naf-weyday. Warbaahinta ayaa tabineysa in shilku yimid markii darawalka gaariga uu lumiyey hagida baabuurka.

Rakaab la socday gaari gaar ah oo ay ku jiraan – nin, xaaskiisa iyo laba caruur ah oo ay dhaleen – ayaa si daran ugu dhaawacmay, waxaana la dhigay Isbitaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM