Mid kamid ah Masaska ugu halista badan Afrika oo dilay garsoore

Image

CAPE TOWN, Koonfur Afrika – Garsoore ka tirsanaa Maxkamada Shaqaalaha Koonfur Afrika ayaa u dhintay markii uu qanniinay mid kamida Masaska ugu halista badan Afrika.

Anton Steenkamp, oo 57-sano jir ah, ayaa mashaqadaan waxay ku hab-satay isaga oo dalxiis ku jooga wadanka Zambia.

Qoyska marxuumka oo xaqiijiyey dhimashada ayaa aad u ammaanay Steenkamp, oo ay ku wehlisay socdaalka xaaskiisa, Catherine.

"Aad ayaan u murugeysanahay. Mana hadli karno. Wuxuu ahaa qof wanaagsan. Reer fiican ayay ahaayeen," ayuu Ruby Steenkamp u sheegay News24.

Dadweynaha oo ka fal-celiyay geerida naxdinta leh ayaa u rajeeyay naxariis iyo bedel wanaagsan oo uu qoyska helo.

"Xariif, mid naxariis badan iyo mid caqli badan leh," ayuu ku sifeeyay suxufi Max du Preez ku sifeeyay marxuumka, oo ay saaxiibo ahaayeen.

Sikastaba ha ahaatee, kiisaska la xiriira dilalka ay geystaan Masaska ayaa waxay dhowaanahaanba aad ugu badnaa wadanka Zambia, oo dhaca koonfurta qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM