Mid kamid ah Masaska ugu halista badan Afrika oo dilay garsoore

Image

CAPE TOWN, Koonfur Afrika – Garsoore ka tirsanaa Maxkamada Shaqaalaha Koonfur Afrika ayaa u dhintay markii uu qanniinay mid kamida Masaska ugu halista badan Afrika.

Anton Steenkamp, oo 57-sano jir ah, ayaa mashaqadaan waxay ku hab-satay isaga oo dalxiis ku jooga wadanka Zambia.

Qoyska marxuumka oo xaqiijiyey dhimashada ayaa aad u ammaanay Steenkamp, oo ay ku wehlisay socdaalka xaaskiisa, Catherine.

"Aad ayaan u murugeysanahay. Mana hadli karno. Wuxuu ahaa qof wanaagsan. Reer fiican ayay ahaayeen," ayuu Ruby Steenkamp u sheegay News24.

Dadweynaha oo ka fal-celiyay geerida naxdinta leh ayaa u rajeeyay naxariis iyo bedel wanaagsan oo uu qoyska helo.

"Xariif, mid naxariis badan iyo mid caqli badan leh," ayuu ku sifeeyay suxufi Max du Preez ku sifeeyay marxuumka, oo ay saaxiibo ahaayeen.

Sikastaba ha ahaatee, kiisaska la xiriira dilalka ay geystaan Masaska ayaa waxay dhowaanahaanba aad ugu badnaa wadanka Zambia, oo dhaca koonfurta qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM