Midowga Africa oo war kasoo saarey go'aankii cunaqabateynta looga qaadey Eritrea

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Gudoomiyaha Gudiga Midowga Africa, Moussa Faki Mahamat ayaa maanta oo Khamiis ah soo dhaweeyay qaraarkii Gollaha Amaanka ee cunaqabateynta looga qaadey Eritrea.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Arbaco ahayd meel-mariyay qaraarka lagu soo afjaray xayiraad mudo 9 sano ah saarnayd Eritrea taasoo lagu soo rogay 2009 markii lagu eedeeyay inay taageero siisay kooxaha argagaxisada Soomaaliy.

“Shalay go’aankii kasoo baxay Gollaha Amaanka waxa uu sii xoojinayaa isbedelka ka socda gobolka geeska Africa, oo dalalka ku yaalla ay dib usoo celiyeen xiriirkooda, sidoo kalena sameystay iskaashiga dhinac badan leh,” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

Moussa Faki ayaa intaasi ku daray in isbedelka ka socda gobolka ay horseedi karto in laga taqaluso colaadaha ka taagan qaaradda Africa sanadka 2020-ka.

Gudoomiyaha ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha gobolka inay xoojiyaan dedaallada socda islamarkaana ay sameeyaan tallaabooyin nabada iyo deganaanshaha dheera-galinaya, si ay tusaalo ugu noqdaan dalalka kale ee Africa.

Bishii July ee sanadkan, Ethiopia ayaa waydiisatay Gollaha Amaanka inuu qaado cunaqabateynta Eritrea maadaama dalkan ay deriska yihiin uu ogolaadey inuu hagaajiyo xiriirka dalalka gobolka Geeska Africa.

Eritrea ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wax la qabsato dalalka ay deriska yihiin, islamarkaana la heshiiso Soomaaliya iyo Jabuuti, si ay u hesho taageeradda caalamka iyo kalsoonida Gollaha amaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa la rumeysan yahay inuu yahay awoodda gadaal ka riixaysa isbedelka gobolka ka dhacay, isagoo ka shaqeynaya in dalkiisa uu u helo dekado wax kasoo degsado iyo suuq xor ah.

Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay isbahaysiga cusub ee ka hana-qaadey gobolka, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamay inay Soomaaliya qeyb ka noqoto go’doominta Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM