Midowga Africa oo warbixin kasoo saarey xaaladda Somalia

Image

ADDIS ABABA - Gollaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa war-murtiyeed kasoo saarey xaaladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin amniga iyo doorashooyinka maamul goboleedyada.

War-murtiyeed dhinacyo badan ka hadlaya oo ay kasoo saareen fadhigooda waxaa ay hoosta ka xariiqeen in horumaro kala duwan laga sameeyay dhinacyadda amniga, siyaasada loo dhan yahay, cadaalada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Balse, waxay walwal culus ay ka muujiyaan khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo maamuladda xubnaha ka ah, kaasi oo ay tibaaxeen inuu saameyn aan fiicneen ku yeeshay Inahaasi guulaha laga gaarey.

“Xaaladdani waxay saameyn wayn oo xun ku yeelatay guusha adag ee siyaasadeed, tan amniga iyo dhaqaalaha Bulshadda, kuwaasi oo ay Soomaaliya gaartay,” ayaa lagu yiri bayaanka uu Golluhu soo saarey.

Golluhu wuxuu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay wadahadal wax-dhisaya oo ku qabsooma si deg deg ah, kaasi oo xal loogu raadiyo waxyaabaha ay ku kala aragtida duwan yihiin labada dhinac.

“Qaabka kaliya ee lagu wajihi karo kala aragti duwanaanshiyaha waa la qabisiga Dastuurka Federaalka oo kala caddeyn doona xiriirka dowladda iyo maamuladda,” ayaa laga soo xigtay qoraalka.

Doorashooyinka maamul goboleedyadda oo lagu soo hadalqaaday war-saxaafadeedka ayuu Golluhu ku baaqay inay noqdaan kuwa laysku lahayn karo, islamarkaana ka fog codad ku shubasho.

Wafdi ka socda Gollahan ayaa socdaal ku yimid Muqdisho 26-kii illaa iyo 28-kii bishii November, kaasoo safaro ku kala bixiyay magaalooyinka dalka.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka ayaa loogu yeeray inay ka shaqayso sidii looga abuuri lahaa Soomaaliya cimilo siyaasadeed oo ka fog loolan gudaha ah, taasi oo dalkaan ka saartay daaqada siyaasada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM

Shiinaha oo xoojinaya saameynta Geeska Afrika xili Israel kusoo biirtay tartanka Gobolka

Tareenka ayaa si weyn loo arkaa inuu yahay iska-celin u ah Waddada Lobito ee ay taageeraan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 08:50AM