Midowga Afrika oo ergay cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Image
Francisco Madeira oo dowladda federaalka ay eriday bishii Abriil ee sanadkan 2022 ayuu badalayaa

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika oo u magacaabay diblomaasiga u dhashay Comorian ee Mohammed El-Amine Souef inuu noqdo ergeyga cusub ee u fadhin doona Soomaaliya iyo madaxa ATMIS.

Francisco Madeira oo dowladda federaalka ay eriday bishii Abriil ee sanadkan 2022 ayuu badalayaa kadib markii uu "ku lug-yeeshay shaqooyin ka baxsan waajibaadkiisa".

Kahor xilkan cusub, Ambassador Souef waxa uu ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka ee Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee waddanka Mali loona yaqaano MINUSMA.

Souef ayaa sidoo kale wuxuu soo noqdey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros oo ah dalka ku yaala bariga qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Danjire Souef ayaa sidoo kale wuxuu soo noqdey jagadda Madaxa Xafiiska Gobolka ee Madaxa Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

"Inta lagu guda jiro waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii wadi doonaa xiriir dhow oo joogto ah oo uu la yeesho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee taageeraya hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo geeddi-socodyo ballaaran oo dowlad-dhisidda Soomaaliya," ayaa lagu yiri wareegtada magacaabida.

Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Muuse Faki oo soo saarey digreetadda magacaabida ayaa cod dheer wuxuu u mahadceliyey Madeira isaga oo u rajeeyay badal wanaagsan.

"Mudane Souef waxa kale oo uu si dhow ula shaqayn doonaa Urur-goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo sidoo kale saaxiibada labada dhinac iyo kuwa badan ee ay khusayso oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub (EU)," ayuu raaciyey Faki.

Midowga Afrika ayaa ka taageera Soomaaliya dhinacyadda ammaanka iyo xasilinta waddanka iyadda oo ciidamadda AU-da ee hadda loo bixiyey ATMIS ay ka howlgalayaan in ka badan muddo tobban sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM