Midowga Afrika oo Kenya ku taageeray xubinimada Golaha Ammaanka QM

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib coddeyn ka dhacday magaaladda Addis Ababa, xarunta Itoobiya, Midowga Afrika ayaa ayidday in Kenya ay ku matasho kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Arbacadda maanta ah waxaa lagu shaaciyey in xukuumadda Nairobi ay heshay 37 cod, halka D-Jabuuti ay heshay 17 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Kenya ay Midowga Afrika ku metali doonto doorashadda kamid noqoshada Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo qabsoomeysa bisha June ee sanadka dambe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay ku dhawaaqday in ay taageersan tahay olalaha Jabuuti ay ugu jirto xubnimadda Golahaasi oo muhiimad gaar ah ay u leedahay kamid noqoshadiisa.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer.

Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan.

Faa'iidooyinka dheeraad ah ee ay leedahay kamid noqoshada golahan ayaa waxaa kamid ah jaan-goynta Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka guud ahaan caalamka.

Si lamid ah, ogolaanshiyaha xubnaha cusub ee kusoo biiraya Qaramada Midoobay, isbedel lagu sameeyo Axdiga UN-ka iyo sameynta shuruucda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa qoreysa in mid kamid ah ujeedooyinka ay Kenya u raadineyso kursigan ay tahay sidii ay ugu adeegsan lahayd in ay ishortaagto in ay ICJ xukmiso kiiska dacwadda badda

BAYAANKA KENYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM