Midowga Afrika oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Image
Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa hogaamin doona korjoogtada AU-da ee doorashadda Nigeria.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta inuu hogaamiyo korjoogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Dadka reer Nigeria ayaa u dareeraya goobaha cod bixinta 25-ka bishan Febraayo.

Ergada goobjoogayaasha waxaa ka mid ah wakiillo ka socda hay'adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-bannaan iyo qaybaha AU.

Ujeeddooyinkeeda waxaa ka mid ah in si sax ah oo dhexdhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ay "muujiso wadajirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida iyo horumarka" Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM