Milatariga Kenya oo duqaymo ka gaystay gobolka Gedo

Image
Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo saraakiisha milatariga ee sugan gobolka.

NAIROBI, Kenya – Milatariga Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay dumaymo dhanka cirka ah ka gaystay deegaanado ka tirsan gobolka Gedo ee Koofur Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Deegaanada lagu soo wariyay duqaymaha ayaa kala ah Likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaare kala duwan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kasoo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqeymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan.

“Dhaawacyo ayaa jira balse inta ay la egyihiin maxaqiiji karno” ayuu yiri sarkaal caafimaad oo ku sugan deegaanada la beegsaday.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo saraakiisha milatariga ee sugan gobolka iyo inta uu egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymaha culus ee ay gobolka ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya deegaano badan oo ka tirsan Gedo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale duqeymo khasaare xoogan geystay uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, hayeeshee dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolkaan.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM