Milatariga Kenya oo duqaymo ka gaystay gobolka Gedo

Image
Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo saraakiisha milatariga ee sugan gobolka.

NAIROBI, Kenya – Milatariga Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay dumaymo dhanka cirka ah ka gaystay deegaanado ka tirsan gobolka Gedo ee Koofur Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Deegaanada lagu soo wariyay duqaymaha ayaa kala ah Likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaare kala duwan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kasoo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqeymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan.

“Dhaawacyo ayaa jira balse inta ay la egyihiin maxaqiiji karno” ayuu yiri sarkaal caafimaad oo ku sugan deegaanada la beegsaday.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo saraakiisha milatariga ee sugan gobolka iyo inta uu egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymaha culus ee ay gobolka ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya deegaano badan oo ka tirsan Gedo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale duqeymo khasaare xoogan geystay uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, hayeeshee dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolkaan.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM