Milatariga Nigeria oo ka jawaabay "in ay qorsheyaan afgembi"

Image
Xukuumadda Abuja iyo xisbiyada ugu waaweyn ayaan wax hadal ah ka soo saarin hadalka ciidamada.

ABUJA, Nigeria - Militariga Nigeria ayaa beeniyay warar aad u baahay oo ku saabsan in xubnaha xisbiga talada haya ee ah inay qorsheynayaan inay carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Sarkaal ka tirsan xisbiga APC ayaa shaaca ka dhigay in jeneraalo ay todobaadkii hore kulan qarsoodi ah la yeesheen musharaxa madaxweynaha ee xisbiga PDP, Atiku Abubakar.

"Eedeymahan waa kuwa xun iyo xaasidnimo," ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada. Loolanka loogu jiro xilka madaxweynaha xiga ee dalka ugu dadka badan Afrika ayaa ah mid aad isha loogu hayo.

Saddexda musharrax ee ugu sarreeya doorashada 25-ka Febraayo ayaa kala ah: Bola Tinubu oo ka socda xisbiga talada haya ee All Progressives Congress, Atiku Abubakar oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga Shacabka iyo Peter Obi oo ka socda xisbiga shaqaalaha.

"Ciidanka Qalabka Sida ee Nigeria weligood kama mid noqon doonaan shirqool kasta oo jaahilnimo ah oo lagu burburinayo dimoqraadiyadayada adag ee aan kasbanay," ayuu yiri afhayeenka Xarunta Difaaca Nigeria Brigadier General Tukur Gusau.

Dowladda iyo xisbiyada ugu waaweyn ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka ciidamada. Isku-dayo xirir oo la doonayay in wax looga waydiiyo sheegashooyinkan ayaanan guuleysan.

Sheegashada ciidanku in badan ayay shacabku iska indhatireen. Dadka diiradda saaray ayaa walwal badan muujiyey. Amni darro, shidaal yari iyo lacago cusub oo suuqa soo gashay ayaa sabab u ah walaacaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM