Miyay tani tahay sababta dhabta ah ee keentay burburka diyaaradii Itoobiya?

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Baarayaasha gacanta ku haya kiiska burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ayaa gaarey gabagabo horudhac ah, sidda uu jaraa’idka Wall Street Journal uu kasoo xigtay dad xog ogaal u ah arrintaasi.

Musiibadii dhacday 10-kii bishaan Maaj taasoo ay ku dhinteen 157 oo saarnaa diyaarada oo ay ku jiraan lix Soomaali ah ayaa sababay su’aallo badan oo ku foorafara badqabka hooyada duliimaadka Afrika.

Saraakiisha ayaa rumeysan in matoorka qaabilsan joojinta socodka diyaarada uu daarnaa kahor inta aysan dhulka kusoo dhicin lix daqiiqo kadib markii ay kasoo duushay madaarka.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada wararka Reuters in macluumaadkaan laga helay sanduuqa madow ee diyaaradda duulimaadkeedu ahaa 302 kuna sii jeeday caasimada Kenya.

"Warbixinta horudhac ah waxaa la faafin doonaa todobaadka soo aadan," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha, kaasi oo sababo ah in aan loo ogolayn la hadalka war-fidiyeenka u khariyay magaciisa.

Tan iyo markii uu dhacay shilkaasi qaar kamid ah dalalka ugu horumarsan caalamka ayaa joojiyay adeegsiga diyaaradaha ay farsameyso shirkada reer Mareykan ee Boeing 737 MAX, sababo ku aadan badqabkeeda oo liita.

Si lamid ah waxaa dhashay waydiimo ku aadan waayo-arag xumi iyo tababar la’aanta duuliyihii diyaarada burburtay, kaasi oo la sheegay in uu ku guda jiray waayihiisii ugu horeeyay ee duulinta diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM