Mnangagwa oo codsaday in Zimbabwe laga qaado cunaqabeynta

Image

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ugu baaqay caalamka inuu cunaqabateynta ka qaado dalkiisa, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaalaha ee ka jira wadanka.

Mnangagwa oo ka hadlayay Shirka Xibiga talada haya ee Zanu-PF isagu yimid magaalada Harare ayaa sheegay in caqabadaha dhaqaale ee Zimbabwe aan xal loo heli karin inta ay jirto xayiraadda caalamka.

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo xilka loo dhaariyay bishii lasoo dhaafay kadib markii uu iscasilay Robert Mugabe ayaa balan-qaaday inuu dalkiisa uu ka dhigi doono meel ku wanaagsan maalgashiga.

Wuxuu kaloo sheegay inuu qabanayo doorasho la isku halayn karo, oo xur iyo cadaalad ah sanadka soo socda, inta ka horeysana uu wax ka qabanayo sicir bararka iyo hoos u dhaca qiimaha lacagta wadanka Zimbabwe.

Xisbiga Zanu-PF ayaa Madaxweyne Emmerson Mnangagwa u doortay musharaxa ugu tartami doono doorashada soo socota, taasi oo shacabka reer Zimbabwe ku go'aamin doonaan hogaamiyaha mustaqbalka dalkaasi.

Mnangagwa ayaa Madaxweyne ku xigeen usoo noqday Robert Mugabe oo 37 sano dalkaasi soo xukumayay, isagoo xilka isla casilay markii cadaadis kala kulmay ciidamada Militariga oo talada kala wareegay.

Robert Mugabe oo 93 sano jir ah iyo qoyskiisa ayaa isaga cararay Zimbabwe todobaadkan waxayna u duuleen wadanka Singapore, oo la sheegay inay ku leeyihiin guryo ay ku noolaan doonaan.

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM