Mnangagwa oo codsaday in Zimbabwe laga qaado cunaqabeynta

Image

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ugu baaqay caalamka inuu cunaqabateynta ka qaado dalkiisa, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaalaha ee ka jira wadanka.

Mnangagwa oo ka hadlayay Shirka Xibiga talada haya ee Zanu-PF isagu yimid magaalada Harare ayaa sheegay in caqabadaha dhaqaale ee Zimbabwe aan xal loo heli karin inta ay jirto xayiraadda caalamka.

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo xilka loo dhaariyay bishii lasoo dhaafay kadib markii uu iscasilay Robert Mugabe ayaa balan-qaaday inuu dalkiisa uu ka dhigi doono meel ku wanaagsan maalgashiga.

Wuxuu kaloo sheegay inuu qabanayo doorasho la isku halayn karo, oo xur iyo cadaalad ah sanadka soo socda, inta ka horeysana uu wax ka qabanayo sicir bararka iyo hoos u dhaca qiimaha lacagta wadanka Zimbabwe.

Xisbiga Zanu-PF ayaa Madaxweyne Emmerson Mnangagwa u doortay musharaxa ugu tartami doono doorashada soo socota, taasi oo shacabka reer Zimbabwe ku go'aamin doonaan hogaamiyaha mustaqbalka dalkaasi.

Mnangagwa ayaa Madaxweyne ku xigeen usoo noqday Robert Mugabe oo 37 sano dalkaasi soo xukumayay, isagoo xilka isla casilay markii cadaadis kala kulmay ciidamada Militariga oo talada kala wareegay.

Robert Mugabe oo 93 sano jir ah iyo qoyskiisa ayaa isaga cararay Zimbabwe todobaadkan waxayna u duuleen wadanka Singapore, oo la sheegay inay ku leeyihiin guryo ay ku noolaan doonaan.

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM