Mnangagwa oo ku guuleystay doorashada Zimbabwe

Image

HARARE - Gudiga doorashooyinka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in Emmerson Mnangagwa, uu ku guuleystay doorashadii 30-kii July ka dhacday dalkaasi, taasi oo ay hareeyeen rabshado ay dad badan ku dhinteen.

Mnangagwa, oo si KMG ah u hayay xilkan tan iyo markii uu is-casilay Madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 37 sano Robert Mugabe uu is-casilay bishii November ee sanadkii 2017.

Sidan ku xusan najiitada la shaaciyay, Emmerson Mnangagwa ayaa helay codad gaaraya [2,460,463] oo u dhigan 50.8%, halka musharaxii kale ee Xisbiga Mucaaradka MDC, Nelson Chamisa ku guuleystay [2,147,437] oo lamid ah 44.3%.

Tartanka oo ahaa mid adag ayaa waxaa u loolamay Kursiga 19 musharax, oo labo dumar yihiin, waxaana dalkaasi, iyadoo beesha caalamka u dirtay dalkan ku yaalla Koonfurta qaaradda Africa kormeeriyaal la socday qaabka ay u dhacday doorashada.

Xisbiga Zanu-PF, oo soo hayay talada wadanka Zimbabwe tan iyo markii dalkan uu xorriyadiisa qaatey 1980-kii, ayaa helay codad aqalabiyad leh, oo u suurta-gelisay inuu ku guuleysto 160 kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 210 kursi.

Mnangagwa, oo 75 sano jir ah ayaa dastuurka u ogolaanaya inuu hogaamiyo dalkan, kamid ah kuwa ugu saboolsan Africa shanta sano ee soo socota, isagoo xaq u leh inuu markale isku soo sharaxo xilka markii uu waqtigiisa dhamaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM