Mucaaradka Suudaan: Afgambi kuma badalaneyno in-qilaab horey

Image

KHARTUUM, Suudaan – Mucaaradka wadanka Suudaan ayaa si wayn uga soo horjeestay bayaanka milatariga ee ay xukunka afgambiga ugala wareegeen Madaxwayne Cumar Al Bashiir.

Ciidamada oo ku dhawaaqay laba sano oo ku meel gaar ah ayaa soo rogay saddex bilood oo xaalad deg deg ah iyo bandow balaaran.

Wasiirka Difaaca oo shaaciyay in Gole milatari uu talada sii haynayo ayaa xusay in la kala diray hay’addihii dowlada, lana joojiyay adeegsiga dastuurka.

"Ma doonayno in afgambi milatari aan ku badalano in-ciqaad horey," ayay warbaahintu kasoo xigatay mid kamid ah saraakiisha ugu sareysa xisbiyada mucaaradka ah.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah, kaasi oo ay kawada qaybgalaan dhamaan xisbiyada wadankaasi ka arimiya.

Cumar Al Bashiir-ka xukunka laga riday ayaa afgambi kula wareegay xukunka Suudaan 30 June ee sanadku markuu ahaa 1989, taasi oo ka dhigan in uu xafiiska joogay ku dhowaad 30-sano oo xiriir ah.

Dadwaynaha iyo ururada kale ee bulshadda ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonan mudaahaaradyadda socday saddex bilood ee lasoo baaxay.

Banaan-baxayaasha ayaa codsanaya isbedal lagu sameeyo nidaamka dowladeed ee dalkaasi, lagana qayb-geliyo dhalinyaradda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in hubanti la’aan ay soo gashay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Suudaan, kaasi ah mid kamid ah wadamada qaarada Afrika ee dadkiisu yihiin inta badan Muslimiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM