Mucaaradka Suudaan: Afgambi kuma badalaneyno in-qilaab horey

Image

KHARTUUM, Suudaan – Mucaaradka wadanka Suudaan ayaa si wayn uga soo horjeestay bayaanka milatariga ee ay xukunka afgambiga ugala wareegeen Madaxwayne Cumar Al Bashiir.

Ciidamada oo ku dhawaaqay laba sano oo ku meel gaar ah ayaa soo rogay saddex bilood oo xaalad deg deg ah iyo bandow balaaran.

Wasiirka Difaaca oo shaaciyay in Gole milatari uu talada sii haynayo ayaa xusay in la kala diray hay’addihii dowlada, lana joojiyay adeegsiga dastuurka.

"Ma doonayno in afgambi milatari aan ku badalano in-ciqaad horey," ayay warbaahintu kasoo xigatay mid kamid ah saraakiisha ugu sareysa xisbiyada mucaaradka ah.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah, kaasi oo ay kawada qaybgalaan dhamaan xisbiyada wadankaasi ka arimiya.

Cumar Al Bashiir-ka xukunka laga riday ayaa afgambi kula wareegay xukunka Suudaan 30 June ee sanadku markuu ahaa 1989, taasi oo ka dhigan in uu xafiiska joogay ku dhowaad 30-sano oo xiriir ah.

Dadwaynaha iyo ururada kale ee bulshadda ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonan mudaahaaradyadda socday saddex bilood ee lasoo baaxay.

Banaan-baxayaasha ayaa codsanaya isbedal lagu sameeyo nidaamka dowladeed ee dalkaasi, lagana qayb-geliyo dhalinyaradda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in hubanti la’aan ay soo gashay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Suudaan, kaasi ah mid kamid ah wadamada qaarada Afrika ee dadkiisu yihiin inta badan Muslimiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM