Mucaaradka Zimbabwe oo digniin u direy guddiga doorashada dalkaas

Image

HARARE (GO) - Mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa ku eedeyey guddiga doorashada maalnimadii Talaadada in si ula kac ah u daahinayaan natiijada doorashooyinkii ka dhaceen asbuucaan si ay ugu faa'ideystaan talaabadaan xisbiga talada wadankaas haya, doorashooyinkaas oo laga soo sheegayo in lagu sameeyey is-daba-marin tan iyo intii inqilaab aan dhiig ku daadadan talada lagaga qaadey Robert Mugabe.

Doorashooyinkaan oo u dhacey si nabad ah, ayaa hadana waxaa banaanka xarunta xisbiga mucaaradka (MDC) lagu arkayey gawaarida ka hortagta mudaharaadyada halkaasoo tageerayasha MDC ku sugnaayeen.

Waxaa si hordhac ah loo shaaciyey doorashooyinka xildhibaanada Barlamanka balse weli lagama hayo wax natiijo ah kuwa madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Guddoomiyaha guddiga doorahsada dalka Zimababwe (ZEC) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegey in natiijada doorashada Madaxweynaha aysan diyaar noqoneyn maalinimada Sabtida ka hor.

ZEC ayaa sheegtey ineysan jirin wax la yiraahdo is-daba-marin ama khiyaamo, taasoo muhiim u ah in Zimbabwe dib uga soo baxdo go'doonkii ay ku jirtey taasoo saameyn balaaran ku yeelatey xaalada dhaqaale ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaato ZEC ma sharxin sababta xarumaha doorashada si KMG ah ugu shaacin waayeen natiijooyinka.
 
Doorashadaan ayaa u dhexeysa Mnangagwa oo 75 jir ah horey-na madax uga ahaa hay'adaha amniga isagoo dalka Zimbabwe madax ka noqdey markii Mugabe xilka laga qaadey iyo ninka 40 jir ka ah 'Nelson Chamisa' oo madax u ah xisbiga MDC. 
 
Labdaan nin ayaa sheegey iney kalsooni ku qabaan nidaamka doorashadu u dhacdey halka kormeerayaasha wadamada reer galbeedka iyo howl-wadeenada gudaha ay saadaalinayaan in tirada codadka labadaan musharax farqi badan u dhexeyn.
 
GO+WAKAALADAHA

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM