Mudaneyaal loo xukumay in ay haraantiyeen Xildhibaanad uur leh

Image
Sharci-dejiyeyaasha ayaa sidoo kale waxaa lagu ganaaxay aduun dhan $8,100 oo magdhow ah.

DAKAR, Senegal - Labo mudane oo ka tirsan mucaaradka Senegal ayaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah ka dib markii ay caloosha ka laaden Xildhibaanad uur lahayd xilli ay socotay dood miisaaniyadeed.

Sharci-dajiyayaasha oo muddo la raadinayey si gacanta laamaha ammaanka u soo galaan ayaa haraantiyey Amy Ndiaye kadib markii ay dhaleeceysay wadaad diimeed mucaarad ah.

Garsooraha ayaa sidoo kale waxa uu ku amray Mamadou Niang iyo Massata Samb inay siiyaan Marwo Ndiaye aduun lacageed dhan  shan milyan oo CFA faran ($8,100; £6,750) oo magdhow ah.

Dhacdadan oo muuqaalka laga duubay si weyn ugu faafay baraha bulshadda ayaa si weyn loo cambaareeyay waxaana ay dhalisay dood ku saabsan xuquuqda haweenka.

Muuqaalka ayaa muujiyey Mr Samb oo u sii socda Ms Ndiaye oo uu dharbaaxay intii ay socotay doodda miisaaniyadeed ee caadiga ahayd 1-dii bishii hore ee Disembar.

Dabadeed way ka aargoosanaysaa iyadoo tuurtay kursi, laakiin isla markaas waxaa caloosheeda ka laaday Xildhibaanka kale. Buuq ayaa dhashay iyadoo xildhibaanno kale ay isku dayayaan inay xaaladda dejiyaan.

Xiisad ayaa ka taagneyd baarlamaanka Senegal tan iyo markii ay dowladda talada haysa ay si lama filaan ah u lumisay aqlabiyadda golaha kadib doorashooyinkii sharci dejinta ee bishii Luulyo ee sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salva Kiir kala hadlay xaaladda South Sudan

Taliyayaasha dowladdu waxa ay qaar ka mid ah la haysteen marka koox loo yaqaan 'White Army' ay weerareen qaybo ka mid ah dalka.

  • Afrika

    10-03-2025

  • 02:27PM

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM